Boqorka Sacuudiga oo markale loola cararay Isbitaal kuyaal magaalada Jidda.

Sunday May 08, 2022 - 12:41:33
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay diiwaanka Malakiga dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Isbitaalka ladhigay Salmaan Bin C/Caziiz oo ah boqorka wadanka maamula.
Salmaan ayaa lageeyay Isbitaalka Boqor Faysal ee magaalada badda cas ku teedsan ee Jiddah balse dowladdu faah faahin dheeraad ah ka bixin xaaladdiisa caafimaad sida ay tahay.

Markii ugu dambaysay ee Salmaan lagu arko goob fagaara ah waxay aheyd maalintii latukanayay ciiddul Fidriga oo uu gudaha Masjidka Xaramka kusoo dhoweeyay Erdogaan madaxweynaha Turkiga.

bishii Maarso ee lasoo dhaafay ayaa boqorka sidaan oo kale isbitaalka loo dhigay kadib markii ay xaaladdiisa caafimaad ka dartay.

Salmaan oo 86 sana jir ah ayaan si joogta ugudan shaqada maamulidda dalka waxaana Aala Sacuud maamulkeeda kala wada Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha iyo wasiirka difaaca.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items