Al-Shabaab waxaa looga bartay iney ka dhabeeyaan hanjabaadooda. Markii aan hadalkan dhageystayna waxaan qiyaastay iney meel uun jabsan doonaan meeley ahaata. Subixii Talaadada ayaa waxaan kusoo toosay warbaahinta oo sheegeysa in la weeraray xero ay askata Burundi ku lahaayeen degaankii ay ku noolaayeen inta badan qaraabadeyda oo ah Ceelbaraf, markiiba waxaan wacay Adeeryaal iyo Abtiyaal si aan u ogaado xaaladooda (illeen meel dagaal ka dhacay wax walbaa laga fishaahe), dhowr nambar oo aan garaacay waxay ahaayeen mashquul, laakin waxaan ugu dambeyntii helay Abti Colaay oo hadalka boobsiinaya, neef tuur badan iyo socod ayaan ka dareemayay, waxaan ugu horreyn weydiiyay (Abti nabad ma jirtaa?) wuxuu igu yiri "waa nabad iyo barwaaqo” kadib waxaan weydiiyay sidey wax u dhaceen? wuxuuna igu yiri: "nimankii wadaadada ahaay ayaa saakay soo hujuumay gaaladi maha daganeyd, aasaa waxay ka dhigeen hal dhumay iyo hal dhaan raacay, meedadkoodana waa cara ka waay”
Wuxuu intaas iigu daray in Al-Shabaab ay qaateen hubkii iyo rasaastii ciidanka Burundi, dadka shacabka ahna ay u fasaxeen iney rartaan keydadkii kale oo isugu jiray shidaal, raashin iyo agab kala duwan, isagana (adeer) wuxuu kasoo helay laba loor oo bariis ah, 3 kaartoon oo baasto ah, jawaan tufaax ah, afar gasac oo caana boore ah iyo agabyo dhismo oo uu kasoo fuqsaday Kaniisad meesha ugu tiaalay ajnabiga. Mararka qaar ma maleysan karin in kabaha lala dulmaray ciidanka Burundi, wixii xeradooda yiilayna la boobay, balse waxaa xogtii aan heystay ii sii xoojiyay sawirro lagu baahiyay baraha Internetka oo ay ka muuqdeen meydadka ciidanka shisheeye iyo xeradoodii oo aad moodo iney duufaan martay.
Ilaahey amarkiis, anigoo Al-Shabaab dhaliilsanaa ayaa waxaan ku farxay guushooda, qeybaha dambe ee maqaalkeyga ayaana uga sheekeyn doona waxa aan ku nacay ama aan uga soo hor jeedo. Haddaan halkeeda kasii wado sheekada, mar waxaan ku farxay Ceelbaraf oo ka xorowday ciidankii Burundi oo runtii dhibaato badan ku hayay ehelka iyo qaraabadeyda, kana mamnuucay iney duleedyada magaalada daajistaan xoolaha, habeenkiina isku socdaan, mar kale waxaan ku farxay magaca Ceelbaraf oo caan sii noqday, cid walba ayaana baratay muhiimadeeda iyo meesha ay dhacdo, waxaan soo xasuustay erayo uu Aabahey ku amaani jiray hooyadey Mako oo ay kamid ahaayeen:
Geed Caleen Qurxoonoo
Ceelbaraf ku yaalloo
Cartanoo irmaanaad
Ceenadiisa leedahay.
Anigu marnaba ma jecli dulmiga, ciidanka Burundi waxay Shabeelaha dhexe ka geysteen ma ahan wax laga aamusi karo, waxay 2017kii meel u dhow Mahadaay ku kufsadeen islaan waayeel ah oo 73 jir ahayd, afar maalmood kadibna wey dhimatay. Sidoo kale waxay muddo dhowr jeer ah degaanka Miir-taqwo ku daadiyeen kuna qeybiyay Memory-yo ay ku jiraan aflaam xun-xun oo ficilkii qowmuluudka ah si ay ugu baadiyeeyaan ilmaheena, intaas kuma ekeysanine waxay u bareereen iney kufsadaan xoolaha gaar ahaan Idaha iyo Lo’da, oo la ii sheegay iney waliba Vedio- ka duubaan, damiir xumaa nimanku!. Waa arrin ay wada ogsoon yihiin reer Shabeelaha dhexe, Internetkana laga heli karo haddii lagu qoro "askarta Burundi oo Shabeelaha Dhexe Ido ku kufsaday!”. Ma ciidanka dhibkas ka geystay gobolka ayaanan ahayn kuwa lagu farxo halaagooda?
Dowrka Siyaasiyiinta Shabeelaha Dhexe
Siyaasiyiinta iyo Odayaasheena Muqdisho jooga ee kasoo jeeda gobolka kama hadlaan falalka liddiga ku ah xuquuqda aadanaha ee ay geysanayaan ciidanka Burundi, 22-Luliyo-2021, waxaa degmada Warsheekh tagay Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmad, waxaa loo gudbiyay cabasho qoraal ah oo ku saabsanayd dhibaatooyinka ay ciidanka Burundi ku hayaan Cadalle, iyagoon waxba ka dhihin ayay sawirro ku galeen degmada kadibna Xamar ayay ku laabteen. Haddaba Ceelbaraf dad kalaa Alle u bixiyay, ceebna ma ahan in ay degaanka xoreeyaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo isaga kala yimid gobolada dalka oo dhan kasoo billow Raascasyr illaa Lowyo Caddo, laakin waxaa Ceeb ahaan lahayd in ciidanka Burundi ay dalka ka baxaan iyagoon hal xero oo Sh/dhexe ah laga qabsan.
Ka hor weerarkii Ceelbaraf, waxaan fiiriyay Gedo, waxaa ii soo baxday in 200 oo Kenyaan ah lagu baabi’iyay xero ay ku lahaayeen Ceelcadde, Jubbada Hoose ayaan eegay waxaan ogaaday in xero ku taallay Kulbiyow cagta lagu mariyay guutooyin ciidamo Kenyaati ah, waxaan fiiriyay Sh/hoose, waxaan arkay in lagu habsaday xero ay ciidanka Burundi ku lahaayeen degaanka Leego iyo mid askarta Uganda ku lahaayeen Jannaale, labadaas xero oo lagu baabiyay boqolaal askari oo ajnabi ah. Shabeelaha Hoose waxaa dhowr jeer lagu laayay ciidamo Burundi ah meel u dhow Leego. Hiiraan gaar ahaan Halgan waxaa lagu ciqaabay ciidanka Itoobiya, Ceelbuur oo Galgaduud ah ayaa looga guuray lagulana diriray, Bay iyo Bakool iyagu xisaab ma laha, waxaan xasuustaa in muddo laba goor ah cutubyo ciidamo Itoobiyaan ah lagu soo afjaray wadada isku xirta Leego iyo Baydhabo.
Wax laga xishoodo ma ahan qofka aad dhaliilsan tahay inaad u mahad celisid. Halkan waxaan uga mahad celinayaa Xarakada Al-Shabaab, waxaan ku amaanayaa dagaalka ay kula jirto ciidamada Ajnabiga ah ee dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed, markii ay ajnabigu dalka yimaadeen waxaa soo kordhay dhibaatooyin aan horey u jiri jirin, waxay xireen wadooyinkii, waxaa batay fasahaadka, tuugadii ayaa xoogeysatay, faqriga iyo gaajada ayaa korortay, marba marka ka dambeysana xaaladda ayay kasii darayaan, Al-Shabaab iyo madaxdooda waxaan leeyahay aad ayaad ugu mahadsan tihihiin dadaalka iyo juhdiga aad galiseen la dagaalanka gumeystaha. Weerarkii Ceelbaraf wuxuu Sh/dhexe ka bareejeeyay gobolada kale, laakin waxaan aaminsanahay intaas kuma filna ciidanka Burundi ee heysta degaanada iyo degmooyinka gobolka.
Sh/dhexe Ma Leeyahay Taariikh Gumeysi La Dirir?
Gobolkan oo ay degaan qabiillo dhowr ah ayaa wuxuu kamid yahay buqcooyinka lagula soo dagaalamay gumeystayaashii dalka kusoo duulay, wuxuuna leeyahay halyeeyo caan ah oo magac iyo maamuus ku dhex leh ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kamid ah Sh/Xassan Barsane. Sheekhaas wuxuu ahaa geesi Soomaaliyeed, waa halgamaagii weynaa ee ka hortagay ciidanka Gumeysiga Talyaaniga, waxaa lagu xasuustaa mowqifkiisii saliimka ahaa iyo sidii uga jawaabay dalabkii uga yimid madixii gumeystaha kadib markii uu wada shaqeyn iyo daacadnimo ka dalbaday, wuxuu ku yiri: "Aniga way isoo gaartay warqadaadii waana fahmey waxa ay ka koobnayd oo dhan, laakiin waa qasab inaan ku ogaysiiyo inaan anagu adeeci doonin awaamirtaada iyo inaan ku biiri doonin ururkaaga. Dowladiina sharci u gooni ah ayeey leedahey, anagana mid gaar ah ayaanu leenahey, mana aqbaleyno sharci aanan keena ahayn, sharcigenuna waa sharciga Allaah iyo Nabigiisa Muxammed (SCW)”
Sidoo kale halyeeyadii gobolka waxaa kamid ah Xassan Geedi Abtow oo caan ku ahaa abaabulka bulshada, xikmadda iyo nin diinta ku dhaggan, waxaana aad looga yaqaanay Koofurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada ku dhow dhow Banaadirtii hore (Muqdisho), Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud. Qabaa’ilka gobolka ayaa iyaguna ahaa kuwa geesinimo iyo gobnimo ku tilmaannaa, waxaana tusaale usoo qaadan karaa qabiilka Moobleen Cismaan oo Alle kadib iyagu ah kuwii Itoobiya ka badbaadiyay iney qabsadaan xeebaha Banaadir, markii ay kula dagaalameen degmada Balcad oo lagu magacaabi jiray Taytayley iyo Hareeraheeda kuna guuleysteen iney ka reebtaan ciidan maxaabiis ah oo ay adoomo ka dhigteen, beerahana ku falan jireen.
Taarikhahaas ayaa kamid ah kuwa ay aan ku faano, laakin hadda iima muuqdaan wax aan ku faano oo guulahaas lamid ah, macquul ilama aha inaan ku hoos noolaano adoomadii aan beeraha ku falan jirnay iyo kuwa kasii liita, waxaan maqli jiray markaan iskuulka dhigan jiray macallinkeena Taariikhda oo mar walba ku hal qabsaday "taariikhdu iyadaa isi soo celcelisa” waxaan rajeynayaa in ayaamihii quruxda badnaa soo laabtaan oo dadkeygu guul iyo libin ku geeraan, waxaa kaloon hambalyo u dirayaa degmooyinka iyo degaanada xorta ah ee Sh/dhexe sida:- Towfiiq, Aadan Yabaal, Ruunirgood, Al-kowthar, Ceelbacad iyo Ceelbaraf, magaalooyinka gumeysigu heystana waxaan u rajeynayaa iney xoroobaan insha’allah.
Maxaan U Dhaliili Jiray Al-Shabaab?
Aniga waxaan ahay nin dhallinyaro ah oo cilmiga ganacsiga kusoo bartay dalka Hindiya, halkaas ayaa waxaan ku arki jiray Maroodiyaal waaweyn oo rabaayad ah oo la ii sheegay in aad loo tababaray markii ay yaryaraayeen, waxaan arkay Maroodi weyn oo ay xasillooni darro ka muuqato oo markaad aragto aad ka baqayso, ninkii lahaa ayaan weydiiyay waxa ku dhacay, wuxuu ii sheegay inuu harraadsan yahay, waxaan ku iri, (muu biyaas cabo waa biyo 10 tallaabo u jira) markaas buu ii sheegay inuusan dhaqaaqi karin sababtuna tahay in ay lugta uga xiran tahay silsilad, laakin ogow! Silsiladdu geed ama meelna kuma xirna, haddii uu dhaqaaqana wuu socon karayaa, wax caqabad ahna kuma noqoneyso oo aanan ka ahayn iney ka daba laad-laado oo ka daba shanqareyso, hase ahaatee wuxuu markiisii hore u bartay in geed lagu xiro, sidii ayuuna iskala qabsaday.
Inta aanan qorin maqaalkan ayaan fakaray, waxaan is iri ka fiirso waxaad qoreyso, ma jiri karaan wax uun taageero u noqon kara Al-Shabaab? Intaa kadib, haddana waxaan is weydiiyay "Axmadeeyow Al-Shabaab waad dhaliishaahe, horto maxaad ku dhaliishaa” habeen ayay ahayd, waxaan iska damiyay nalkii qolka iiga shidnaa, waxaan isku kala bixiyay sariirta, masxkada markaan ka shaqeysiiyayna waxaa ii soo baxday in Al-Shabaab aan iska dhaliilo bilaa sabab, oo aysan jirin qodobo cadcad oo aan kaligood ku fogeyn karo. Dhaliisha Al-Shabaab ayaa ii gashay sida Maroodigii aan Hindiya kusoo arkay oo kale, muddo 10 sano ah ayaa waxaa iga dul qeylinaya Idaacado, siyaasiyiin iyo wadaado taageersan ajnabiga oo ku celcelinaya- cadawga- xagjirka- nabad diidka IWM. Soomaalidu gaar ahaan reer Banaadirigu waxay ku maahmaahaan (haddaad kaligaa waalan tahay wareer waaye, haddiise lagula waalan yahay wanaag waaye) Wariyeyaashii dhaxdhaxaadnimada sheeganayay ayaa xataa waayahan isticmaala erayga "xagjirka” oo ah eray bixin ay inoo meeriyeen Reergalbeedka.
Al-Shabaab waxaan u sheegayaa beenta iyo dicaayadda waxaa ka xoog badan ficilladiina, haddaad dadaalka sidan kusii wadaan maalinba koox dadka kamid ah oo sideyda oo kale ah ayaa wax ku fahmaya. Waxaan hubaa inaad taariikh fiican uga tageysaan ummadda, ogaada Ambiyadii uu Alle soo diray ayaa lahaa cadaw gardarro ku maagaya iyo dad uu marin habaabiyay, fircown ayaad ogtihiin siduu u harowsan jiray qoomkiisii islamarkaana uu Nabi Muuse uga hor keeni jiray, waxaa macruuf ah in halgamayaashii dalka soo maray ay lahaayeen dad mucaarad ku ah oo gumeystaha kala safta, Sayid Maxamad ayaa la dhihi jiray wuu waalan yahay, maantana qof kastaa ku faanaya, xataa raggii dabadhilifyadu dhaleen, halgamayaashii hore waxaad uga duwan tihiin inaad taageero badan oo dhanka shacabka ah heysataan maadaama ay jirto isgaarsiin casri ah oo sababtay in aysan sii jiri karin beenta.
Ugu dambeyn waxaan idiin rajeynayaa guul. Haddii aan shalay ahaa nin walaalkiin ah oo idin dhaliila, haddana aan garanayn wuxuu idiinku dhaliilayay, waxaan maanta ahay nin walaalkiin ah oo idin jecel islamarkaana og wuxuu idiinku jecel yahay.
WQ: Axmadeey Xassan Afrax.
South Sudan