DF oo Bandaw kusoo rogtay magaalada Muqdisho maalmaha doorashada.

Saturday May 14, 2022 - 10:26:00
Liibaan Jeexoow
Taliska booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay xaalad bandaw ah kusoo rogeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho maalmaha ay doorashooyinku socdaan.
Bandawga ayaa bilaabanaya caawa saacaddu marka ay tahay 9:00 fiidnimo wuxuuna socan doonaa illaa maalinta Isniinta sida uu sheegay afhayeenka ciidanka booliska.

Waxaa la xinibi doonaa dhammaan isku socodka gaadiidka dadweynaha, dowladda Federaalka waxay sheegtay in la mamnuucay gaadiidka BL-ka, midka gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka Bajaajta.

Berri oo ku beegan 15-ka bisha May ayaa lafilayaa in Teendhada Afisyooni lagu qabto doorashada madaxweynaha dowladda Federaalka, waxaana doorashadan ku loollamaya illaa 37 musharax.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items