Shacabka Muqdisho oo ladhiban doorashada ka dhacaysa Teendhada Afisyooni.

Sunday May 15, 2022 - 10:21:49
Liibaan Jeexoow
Malaayiin ruux oo reer Muqdisho ah ayaa maanta guryahooda ku xaniban kadib markii ay bandow kusoo rogeen ciidamada booliska dowladda Federaalka.
Waxaa xiran dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaadiidka dagaalka ee ciidamada dowladda ayaa ah waxa kaliya ee isticmaalaya waddooyinka.

Suuqyada waaweyn sida Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ayaa si gaabis ah ku shaqeynaya, xayiraaddan ayaa timid xilli ay Teendhada Afisyooni kusii qulqulayaan xildhibaannada baarlamaanka iyo musharrixiinta halkaas oo lafilayo in lagu qabto doorashada madaxweynaha dowladda Federaalka.

Ololaha doorashada ayaa xalay soo idlaaday waxaana lafilayaa in saacadaha soo socda ay DF-ka yeelato hoggaamiye cusub ama uu dib usoo noqdo Farmaajo.

Related Items