Saldhigyo ay ku suganyihiin ciidamada Kenya iyo kuwa ATMIS oo weeraro lagu miray.

Sunday May 15, 2022 - 11:43:55
Liibaan Jeexoow
Weeraro culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin deegaanno dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Xalay saqdii dhexe ayay xoogag jihaadi ah weerar ku mireen saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale weerar culus ayuu lakulmay saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

ilo wareedyo ayaa sheegay in isla xalay weeraro culus lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada ATMIS iyo maleeshiyaadka dowladda ay uga sugnaayeen deegannada Sabiid,Carbiska,Siinka dheer iyo calamada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items