Faahfaahino laga helayo Weeraro kala duwan oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Friday May 20, 2022 - 05:46:46
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo magaciisa lagu soo koobay Cusmaan lagu toogtay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Dilkan waxaa fuliyey dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaas oo si nabad ah goobta uga dhaqaaqay markii ay howlgalka fuliyeen sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadlay Al-Shabaab.

Ciidamo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerar xoogan oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ku qaaday fariisin maleeshiyaatka Soomaalida ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho inkastoo aanan lasoo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Dad deegaanka ah ayaa xaqiijiyey in boobayaasha fudud iyo garneelada garbaha loo adeegsaday weerarka islamarkaana ay xabaddu joogsatay goordambe.

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro joogto ah ka geysta magaalada Muqdisho kuwaas oo badankood lagu ugaarsado maleeshiyaatka iyo shaqaalaha DFS.

Related Items