Axmed Madoobe oo sheegay in uu dib ula wareegayo maamulka gobolka Gedo.

Saturday May 21, 2022 - 11:17:24
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay ayuu maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' sheegay in uu dib ula wareegayo maamulka degmooyin katirsan gobolka Gedo oo sanadadii lasoo dhaafay ay haysteen ciidamo daacad u ah Farmaajo.
Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maamulkiisu uu dhowaan dib uhanan doono gobolka Gedo islamarkaana uu meesha ka baxay nidaamkii kala qeybinyay Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiyaha 'Jubbaland' oo xaliif la ah dowladda Kenya ayaa carabaabay in shaqada ugu horraysa ay ka sameyn doonaan degmada Garbahaarey, wuxuu sheegay in ay dhisayaan golaha deegaanka kuwaas oo ugu dambeyn dooran doona guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa.

Tan iyo sanadii 2018 ayuu maamulka gobolka Gedo gacanta ugu jiray Farmaajo oo khilaaf gaamuray uu kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, dowladda Xasan Sheekh oo ay isku dhowyihiin Kenya ayaa larumeysanyahay in ay wakiillada Kenya dib ugu wareejin doonto Gedo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items