Weerar 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay degmada Balcad Sh/dhexe.

Saturday May 21, 2022 - 11:25:11
Liibaan Jeexoow
Ku dhowaad 10 askari ayaa dhintay kadib markii weerar kedis ah lagu qaaday bar koontarool oo kutaal degmo dhanka waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wararka ka imaanaya degmda Balcad ayaa sheegaya in dagaalyahanno hubaysan ay weerareen goob ay maleeshiyaadka dowladda lacago uga qaadayeen gaadiidkam dadweynaha.

ilo wareeyo ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen illaa 7 askari, dagaalyahannadii weerarka geystay ayaa askarta ka furtay 6 qori AK47 ah iyo booshahkooda.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus, weerarkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Burundi ay isbuucii lasoo dhaafay isaga baxeen deegaan ku dhow Balcad.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items