Jeneraal katirsanaa Ismaamulka Amxaarada oo Maxkamad lasoo taagay.

Saturday May 21, 2022 - 16:27:28
Liibaan Jeexoow
Mas'uul sare oo katirsanaa melleteriga dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si lama filaan ah ugasoo muuqday maxkamad fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa.
Jeneraal Tefera Mamo oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ciidanka Melleteriga Ismaamulka Amxaarada ayaa kasoo muuqday maxkamad kadib markii muddo labil ku dhow lala'aa halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Xaaska Tefera Mamo ayaa wakaaladaha wararka usheegtay in seygeeda ay xireen ciidamada ammaanka kadibna ay ka war heshay isagoo maxkamad taagan.

Saraakiil mucaarad ah ayaa sheegay in Jeneraalka loo heysto eedaymo ku aaddan in uu maleegayay maja xaabinta nidaamka dastuuriga ah ee ka jira ismaamulka Amxaarada.

Tefera Mamo ayaa bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay bixiyay wareysi uu ku durayay xukuumadda Abiy Axmed taas oo uu ku eedeeyay in ay si xun u maamushay dagaalkii lagula jiray jabhadda TPLF.

Ninkan oo mar ka mid ahaa mas'uuliyiinta ugu sarraysa ismaamulka Amhara ayaan illaa iyo hadda aan loo ogolaan in uu iska difaaco eedaymaha loo heysto.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items