Sarkaal katirsanaa maamulka 'Jubbaland' oo Kismaayo lagu qafaashay iyo warar kale.

Saturday May 21, 2022 - 16:50:04
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'Jubbaland' ee shisheeyaha la shaqeeya.
Xoogag jihaadi ah ayaa afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Kismaayo ka qafaashay sarkaal katirsanaa ciidamada maamulka Axmed Madoobe kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Saadaam Cali.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag aad u hubaysan ay sarkaalka nolosha ku qabteen ayna ula dhaqaaqeen goob aan lagaran.

Dhinaca kale weerar hubaysan oo ka dhacay gudaha degmada Afgooye ayaa sababay dhimashada illaa 2 askari oo katirsanaa ciidamada Booliska.

Sidoo kale xoogag jihaadi ah ayaa weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday saldhigga ciidamada Burundi ee tuulada Miirtaqwo ee gobolka Sh/dhexe balse lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items