ETHIOPIA: Wadanka uu ka Dhacay Barakaca Ugu Badan Sanadkii Tagey

Saturday May 21, 2022 - 23:15:34
Wadanka itoobiya ee dhaca geeska Qaarada Afrika ayaa kaalinta kuwaad ka galay tirakoob la sameeyey oo ku aadan dalalka ugu barakaca badan Caalamka sanadkii lasoo dhaafay ee 2021.
Sida lagu sheegay Tirakoob kasoo baxay Haayad magaceeda loosoo gabiyo (IDMC) oo qaabilsan Dabagalka arimaha Barakacayaasha wadamada Caalamka, dalka Itoobiya ayaa noqday wadankii ugu barac badnaa Sanadkii lasoo dhaafay.

 
"Colaada ka jirta waqooyiga ayaa ah tirada barakacayasha ugu badan ee laga diiwaan geliyey Itoobiya 2021, laakiin rabshado ka dhacay gobollada kale ayaa sidoo kale dhaliyay tiro aad u badan," ayaa lagu yiri warbixinta hayadan.

 
Sida ku cad Warbixinta IDMC guud ahaan dalka Itoobiya, tirada barakacyaasha ee sanadkii tagay ayeey ku sheegtay 4.2 milyan oo qof, kuwaas in ka badan 80 boqolkiiba ku barakacay Coladii iyo dagaladii dalkaasi ka qarxay bishii Novembar ee sanadkii 2020.

 
Warbixinta kasoo baxday hayadan ayaa imaaneysa Xili wili dalka Itoobiya ay ka taagan tahay Xisaado colaad lagana cabsi qabo dagaalo dalkaasi dib kaga soo laba kacleeya madaamada Dhinacyada isku haya siyaasada dalkaas ay iyo diyaar garoobayaan dagaalo cusub.

Related Items