Muwaadin reer Jabbuuti ah oo Hargeysa lagu xidhay.

Sunday May 22, 2022 - 10:55:10
Liibaan Jeexoow
Caarre Saleebaan oo ah nin dhallinyaro ah oo u dhashay Jabbuuti ayaa lagu xidhay degmada Gebilay oo maamul ahaan hoostegi jirtey Hargeysa.
Ninkan ayaa aad u dhaliili jirey keliteliska Jabbuuti ka arrimiya ee Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo marar badan ka codsadey in uu kursiga banneeyo.

Muuqaal uu iska soo duubay wiilkani ayuu ku sheegay in shacabka Somaliland aanay u gacan gelin Jabbuuti maaddaama oo uu magan u yahay. Hore ayaa maamulka ‘Somaliland’ isugu dayey in ay u gacan geliyaan taliska Jabbuuti niman ganacsato ah taas oo shacabku ka gilgishay.

Wadaad Yare Xaashi

Related Items