ICG: Awood melleteri loogama adkaan karo Al Shabaab [Warbixin].

Sunday May 22, 2022 - 11:53:54
Liibaan Jeexoow
Baare katirsan kooxda Xasradaha caalamiga ah, lana hadlay warbaahinta Ingiriiska ee BBC-da ayaa tilmaamay inaaney sinaba suuragal u ahayn in awood milliteri lagu maquuniyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee saldhigeedu yahay Soomaaliya, sidoo kalena ka howlgasha wadamo dhaca bariga qaaradda Africa.
Ninkaan oo lagu magacaabo Cumar Maxmuud wuxuu aaminsanyahay iney haboontahay in wadahadal lala furo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo uu sheegey iney tahay laacib asaasi ah oo ka dhex muuqda siyaasadda Soomaaliya.

"howlgalka milliteri oo keliya suuragal maahaan in lagu xalliyo jamaacadan jihaadiga ah ee jirtey inkabadan 20 sano” ayuu yiri Cumar Maxmuud oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska, isagoo intaa ku daray in wadahadalka uu yahay wasiilada keliya ee lagu soo afjari karo dagaalka ka soconaya Soomaaliya.
Weerarada sida joogtada ah u fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dhulka baaxadda leh ee ay maamulaan ayuu sheegay iney muujineyso awoodda sii kordheysa ee Xarakada Al-Shabaab, taasoo dhawaan fulisay weerar culus oo cagta lagu mariyay ciidamada Burundi ee ku sugnaa deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Marka laga soo tago koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo masaaxo ballaaran ay ka maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu baarahan katirsan kooxda Xasradaha caalamiga ah sheegayaa in deegaannada buuraleyda Golis ay yihiin goobo istiraatiiji ah oo ay ciidamada Xarkada Al-Shabaab kasoo abaabulaan weeraro xoogan oo lagu beegsado Shisheeyaha iyo askarta Soomaalida ee wehlineysa.

Shabkadda warbaahinta ee Ingiriiska waxay tilmaameysaa in si lamid ah Afqaanistaan laga cabsi qabo in dalka Soomaaliya la wareegto Xarakada Al-Shabaab, marka uu dhamaado mandate-ka ciidamada Atmis ee horey loogu yeeri jiray AMISOM oo tan iyo sanadkii 2007-da ku sugan Soomaaliya.

Cumar Maxmuud ayaa soo jeedinaya in la dhiso ciidamo Soomaali ah oo lagu bedeli karo kuwa Shisheeyaha, si ay u hantaan buu yiri amaanka Soomaaliya, hase yeeshee rajada in ciidankaas ay is hortaagaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ah mid aad u liidata.

"Inkastoo ciidamada Afrikaanta iyo kuwa Soomaalida ay la wareegeen magaalooyin katirsan dalka, hadana Al-Shabaab waxay maamushaa deegaanno fog fog, wayna adagtahay in deegaannadaas laga saaro oo lagala wareego” ayuu yiri Cumar Maxmuud oo la hadlayay warbaahinta Ingiriiska.

Marka laga hadlo deegaannada ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu baarahan katirsan kooxda ICG tilmaamayaa in Al-Shabaab ay heystaan bulsho ballaaran oo ku qanacsan maamulkooda iyo aragtidooda.

" Ma rabo keliya inaan dhoho Al-Shabaab waa argagaxiso, balse waxay heystaan jaanib kale oo ah iney kaalin muhiim ah ku leeyihiin Siyaasadda Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Maxmuud oo katirsan kooxda xasradaha caalamiga ah ee ICG.

Wuxuu ku adkeysanayaa Cumar Maxmuud in istiraatiijiyada milliteriga oo keliya aaney ku filneyn in looga adkaado Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna soo jeedinayaa in la raadiyo wasiilooyin kale oo lagula tacaamuli karo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

" Waxay inta badan siyaasiyiintu isku waafaqsanyihiin in Xarakada Al-Shabaab aan lagu jebin Karin wasiilada milliteriga oo keliya, sidaas darteed waa in fursad la siiyaa wadahadallada, si loo soo afjaro dagaalka ka socda Soomaaliya” ayuu leeyahay Cumar Maxmuud.

"Xalka keliya ee ii muuqda ayaa ah midkaas, waana mid u suuragelin kara dowladda cusub iney ugu dhawaato Xarakada Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay hadalkiisa nin katirsan kooxda Xasradaha caalamiga ah, oo ah markaz hoostaga Qaramada Midoobay.

Ciidamada Soomaalida ayuu tilmaamayaa baarahan inaaney awoodin in iyagoo keligood ah qaadaan duulaanno ka dhan ah ciidamada Xarakada Al-Shabaab, sidaas darteed haddii ciidamada ATMIS ka baxaan Soomaaliya sanadka 2024-ta, waxaa hubanti la’aan ka taaganyahay jiritaanka dowladda federaalka, iyadoo laga cabsi qaba iney lamid noqoto xukuumaddii ka jirtey Kaabul, ee uu madaxweynaheedu cararay markii ciidamada Maraykanku billaabeen iney isaga baxaan Kaabul.

Dhawaan waxaa isbedel ku yimid hogaanka dowladda federaalka, markii doorasho ka dhacday teendhada Afisyooni oo ay waardiyeyaal ka ahaayeen ciidamo Shisheeye ay ka dhacday doorasho madaxtnimo oo uu kusoo baxay Xassan Sheekh Maxmuud oo dadka aqoonta u leh tilmaamaan inuu yaahy siyaas aad ugu jilicsan Shisheeyaha iyo rabitaankooda, si gaar ah dowladda Itoobiya, maadaama dhulka Soomaali galbeed uu horey ugu tilmaamay dal Itoobiya kamid ah.

Waxay timid doorashada madaxtnimada ee dowladda federaalka, xilli howlgalka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya uu isbedel ku yimid, halka markii uu watay magaca AMISOM oo qeexaya in ciidamadan yihiin kuwa dagaallamaya uu hadda isku bedeley howlgalka ATMISI oo ka dhigan in howlgalku yahay mid ciidamada Soomaalida sii gaarsiinaya hanashada ammaanka dalka.

Macaahidda diraasaatka iyo warbaahinnada reer galbeedka iyo xitaa kuwa gobolka ayaa aaminsan in weli siyaasadda Soomaaliya uu fashil ka taaganyahay, siyaasiyiinta u raran Shisheeyahana aaney is ogoleyn, iskaba daa in iyagoo mideysan ay fuliyaan awaamiirta iyo istiraatiijiyadda loo dejiyay.

Taas bedelkeeda, Xarakada Mujaahidiinta AL-Shabaab ayaa si degan oo kaadsiimo ku jirto waxay u wadaa Jihaadka ay kula jirto ciidamada Shisheeyaha ee dalka kusoo duuley iyo Soomaalida la socota, waxaana warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Newyork Times ku tilmaamay Al-Shabaab iney tahay awoodda rasmiga ah ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Isha warbixinta: BBC

Related Items