Ciidamada ATMIS oo dad shacab ah ka qafaashay deegaanka Miirtaqwo.

Sunday May 22, 2022 - 13:10:21
Liibaan Jeexoow
Ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sare uqaaday tacadiyada ay ugeysanayaan dadka shacabka ah ee aan hubeysnayn.
Wararka ka imaanaya deegaanka Miirtaqwo ee hoostaga degmada Mahadaay ayaa sheegaya in ciidamda Burundi ay halkaas ka qafaasheen illaa 8 ruux shacab ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in cutubyo katirsan ciidamada ATMIS ay guri kuyaal halka loo yaqaan Qurac Faarax kasoo kaxaysteen dad beeralay ah kadibna ay jirdil ugeysteen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada shisheeye ay dadka shacabka ah diyaarad saareen ayna ka dajiyeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay ciidamada Burundi 36 qof ka qafaasheen deegaanka Ceelbaraf iyagoo jirdil ugeystay waloow markii dambe ay sii daayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items