Farmaajo oo saacadihii ugu dambeeyay ku sugan Villa Somalia.

Sunday May 22, 2022 - 11:15:11
Liibaan Jeexoow
Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku sugan madaxtooyada Villa Somalia.
War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in berri uu Farmaajo sameyn doono xil wareejin, Xasan Gurguurte ayaa lafilayaa in maalinta Isniinta uu si rasmi ah ula wareego talada wadanka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in gudaha madaxtooyada ay berri ka dhici doonto xaflad kooban oo Xasan Sheekh lagusoo dhoweynayo.

Sida ay wararku sheegayaan Farmaajo oo maalmahan alaabtiisa gaadiid xamuul ah uga daabulanayay Villada ayaa degi doona guri kuyaal agagaarka garoonka diyaaradaha Mudisho.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo iyo Video ah iyo qoraallo handadaad ah oo ku socda Xasan Sheekh iyo kooxdiisa,

Nin lagu magacaabo Cali Yare oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir kana mid ah gacan yarayaasha Farmaajo ayaa sheegay in maalinta isniinta ay jeedin doonaan kalimaddii ugu horraysay oo ku socda taageerayaasha xisbiga Nabad iyo Nolol.

Doorasho 15-kii bishan ka dhacday Teendhada Afisyooni ayaa looga adkaaday Farmaajo waxaana markale DF-ka madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items