Rooble oo kala diray guddigii Doorashooyinka iyo Geelle oo soo dhoweeyay.

Monday May 30, 2022 - 10:58:33
Liibaan Jeexoow
Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in lakala diray dhammaan xubnihii guddiga doorashooyinka DF-ka ee heer Federaal.
Rooble ayaa sheegay in ay soo dhammaadeen dhammaan doorashooyinkii labada aqal iyo kuwii madaxweynaha sidaas daraadeed aysan jirin sabab ay usii shaqeeyaan mas'uuliyiinta guddiga.

Warar soo baxay ayaa sheegayay in madaxda guddiga doorashooyinka ay qorshaynayaan fasaxidda Kursigii Fahad Yaasiin ee horay loo xayiray balse Muuse Geelle Yuusuf oo guddigan madax u ahaa beeniyay wararkaas.

Related Items