DF oo Shahaaddo Sharaf guddoonsiisay taliyaha ciidanka Uganda ee Soomaaliya!.

Monday May 30, 2022 - 12:41:32
Liibaan Jeexoow
Dowladda Federaalka ayaa abaalmarin iyo billad sharafeed guddoonsiisay sarkaalka ugu sarreeya ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Munaasabad ka dhacday xerada Iskoola Boliisiyo ee magaalada Muqdisho ayaa billad lagu guddoonsiiyay Jeneraal Keith Katungi oo ah taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ahna taliyaha howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga iyo taliye Xijaar oo ku sugnaa munaasabadda ayaa taliyaha Yugaandheyska ku tilmaamay nin mudan shahaaddo sharaf.

Mas'uuliyiintan dabadhilifyada Soomaalida ah ayaa taliyaha ciidanka Uganda ku ammaanay kaalintii uu ka qaatay sugidda amniga doorashooyinkii baarlamaaniga iyo kuwii madaxweyne ee ka dhacay Teendhada Afisyooni.

Inkabadan 6,000 oo askari ayaa dowladda Uganda ka jooga Soomaliya waxayna ciidamadan geystaan xasuuq ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed iyagoo huwan shaarka howlgalka midowga Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items