Guddoomiyihii Guddida Koomishanka Doorashooyinka 'Somaliland' oo iscasilay.

Thursday June 02, 2022 - 08:16:35
MeMO Staff
Guddoomiyihii Guddida Koomishanka Doorashooyinka 'Somaliland' ayaa xilkiisii iska casilay ka dib markii khilaaf soo kala dhexgaley isaga iyo xubnaha kale ee guddidan. Garab ka mid ah Koomishanka ayaa sheegay in ay guddoomiyennimadii ka caydhiyeen Cabdirashiid isla markaana ay doorteen xubin kamid ah oo lagu magacaabo Kaltuun Sheekh Xasan.
Muuse Biixi ayaa hore ugu saarey guddi baadhis iyo dib u eegis ku samaysa kommishanka maadaama oo khilaaf soo kala dhexgaley. Balse Cabdirashiid ayaa shaley shaaciyey in uu iska casiley jagadii uu ka hayay guddida doorashooyinka.

Dhanka kale garabkii doortey Kaltuun Sheekh Xasan ayaan ka hadlin iscasilaadda guddoomiyahoodii hore waxaana aad looga dareemayaa guud ahaan meelaha uu ka taliyo maamulka Somaliland kala qaybsanaan xooggan oo u dhaxaysa mucaaridka iyo xukuumadda.

Icasilaadda Riyo-raac ayaa dad badani aamminsan yihiin in ay tahay mid maamulka Muuse muddada ku korodhsanayo isla markaana ay dheeraan doonto inta la soo magacaabayo guddi cusub, mar waydiiyey Cabdirashiid Riyo-raac in iscasilaaddiisu xidhiidh la yeelan karto muddo kororsiga xukuumaddana waxa uu sheegay in ay waxba kama jiraan tahay Xidhiidhna aanu ka dhaxayn.

Related Items