Musiibada heysata Muslimiinta Sweden oo aan weli xal loo helin iyo dowladda oo sii wada qafaalka caruurta [Warbixin].

Thursday June 02, 2022 - 08:33:42
MeMO Staff
Weli dowladda Sweden waxay ku indha adagtahay xeerka dulmiga iyo xadgudubka ee dhigaya in dadka muslimiinta gaar ahaan kuwa dalkaasi tahriibka ku tagay laga qaato caruurtooda, si loo gaaleysiiyo, tarbiyo ka hor imaaneysa diinta Islaamkana loogu anqariyo.
Bilo xiriir ah ayay muslimiinta Sweden waxay dhigayeen dibadbaxyo ballaaran oo ay kaga cabanayaan dhibaatada ay dowladda ku heyso, si gaar ah in caruurtooda qasab iyo xooga looga kaxeysto, waxaana jirin wax isbedel ah oo ay sameysay dowladda Sweden.

Taas bedelkeeda, waxay dowladdu sheegtay in hadallada kasoo yeerey qoysaska muslimiinta ay yihiin kuwa marin habaabin ah, kana tarjumeynin xaqiiqda, caruurta ay qaadatay dowladda ayayna sheegtay in nolol raaxo ah ay ku jiraan, waalidiintoodana aaney jirin waxay uga baahanyihiin.

Siyo Westarbag, waa haweeney qareen ah, xubinna ka ah waxa loogu yeero gudiga xuquuqda Aadanaha ee dalalka Iskanadeefiyaanka, waxay sheegeysaa in hadafka caruurta muslimiinta looga qaadayo waalidiintooda ay qeyb ka tahay dano dhaqaale oo ay leedahay hay’adda adeega bulshada ee masuulka ka ah kala geynta waalidiinta muslimiinta iyo ubadakooda.

Waraysi ay siiyay wakaaladda Turkiga ee Anaadool ayay ku sheegtay haweeneydan in dowladda Sweden iyo hay’adda gaarka ah ee adeega bulshada aaney rumeysneyn iney jiraan wasiilo ay qoysaska muslimiinta ku noolaan karaan, caruurtoodana ku dhaqan karaan, sida ay hadalka u dhigtay.

1990-kii ayaa dalka Sweden waxaa laga meel mariyay qaanuun cusub oo dhigaya barbaarinta dhalinyarada, kaasoo awood u siinaya hay’adda adeega bulshada iney caruurta ka kaxeyso waalidiintooda muslimiinta, taas bedelkeedana ay u geyso qoysas kirishtan ah ama lagu hayo xaafado isku raran ah oo dad badan ay ku wada noolyihiin.

Sida uu dhigayo xeerkan dulmiga ah, shaqaalaha hay’adda oo ay la socdaan ciidamada booliiska ayaa tagaya guryaha ay doonayaan iney caruurta kasoo qafaashaan, waalidka oo soo taagan ayaana laga fara maroojinayaa, mararka qaarna caruurta oo ooynaya ayaa la kaxeysanayaa.

Wuxuu sidoo kale qaanuunkan jaa’irka ah xaq u siinayaa shaqaalaha hay’adda sheegata adeega bulshada ee Sweden in caruurta ay ka qafaalan karaan dugsiyada iyo wadooyinka, iyadoo waalidiintu aaney ka warheynin ama xitaa aan loo sheegin ilmahooda ay la wareegtay dowladda.

Markaas kadib ayaa waxaa caruurta la geynayaa guri qarsoodi ah oo su’aalo lagu weydiinayo, loogana raadinayo xogo ku aadan hab tacaamulka waalidka iyo caruurta, si loogu helo qodobo ay uga doodaan fadhiyada maxkamadda, kuna sheegtaan iney iyagu xaq u leeyihiin xanaaneynta caruurta.

Haweeneyda qareennada ah, sidoo kale xubinta ka ah waxa loogu yeero gudiga xuquuqul insaanka ee dowladaha Ikanadeefiyaanka ayaa sheegeysa in hay’adda adeega bulshada ee Sweden ay ku kacdo tallaabooyin xagdub ah oo aan tiro lahayn, marka ay caruurta xoog ugala wareegeyso waalidiinta.
" Haddii aad tahay qoysaska safarka ku yimid Sweden, shakki la’aan waxay hya’adda adeega bulshada si dhib yar kaaga qaadaneysaa caruurtaada” ayay tiri haweeneydan lagu magacaaobo Westerbarag.

Mar su’aal laga waydiiyay bananabaxyada bilihii lasoo dhaafay ay dhigayeen waalidiinta muslimiinta waxay sheegtay inaaney jirin waxay soo kordhin karaan bananbaxyadaas, iyadoona intaa ku dartey in shaqaalaha hay’adda adeega bulshada ay aad u jecelyihiin la wareegitaanka caruurta, intii ay ku howlanaan lahaayeen daryeelka dadka daroogada isticmaala.

" khubarada xaga adeega bulshada ee Sweden aad ayay ugu raaxeystaan iney qafaalaan caruurta muslimiinta, waxayna ka jecelyihiin iney howl ka dhigtaan daryeelka dadka daroogada isticmaala” ayay tiri haweeneydan.

Xaliima Maari iyo ninkeeda oo lagu magacaabo Almaamo Jaarjo, waxay ka yimaadeen dalka Gambia ee Africa, waana qoys muslim ah oo safar ku tagay xilliyo fog dalka Sweden, waxay qeyb ka yihiin qoysaska caruurtooda laga qaatay.

Iyagoo dhowr bilood oo keliya jooga dalka Sweden ayaa qoyskan waxaa laga qaatay gabar ay dhaleen oo xilligaas 6 sano jir ahayd, waxaana gacanta ku dhigey hay’adda isku sheegta adeega bulshada ee dalka Sweden.

Sida ay sheegeyso Xaliimo, iskuulka ay geeyeen gabadhooda ayaa ku ciyaarey caqliga inantooda, iyagoo ka dhaadhiciyay inuu jiro guri ka wanaagsan kan ay kula nooshahay waalidiinteeda, maadaama ay dhici karto iney garaacis kala kulanto waalidkeeda.

Almaamo oo ah aabaha gabadhaas dhalay, lana hadlay wakaaladda wararka ee Anaadool ayaa sheegaya in gabadhiisa ay isku martey 5 guri, markii ay da’ ahaan jirtey 6 sano illaa 7 sano, wuxuuna sheegya in mid kamid ah guryihii la geeyey lagu kufsaday, sharafkeedana lagu tuntey.

Wuxuu sheegayaa aabahan in gabadhiisa ooh adda da’ ahaan jirta 15 sano uu aaminsanyahay iney dhibane u tahay kufsi joogta ah oo loo geysto, kalana kulanto dadka gaalada ah ee gacanta ku haya, hay’adda adeega bulshadana aaney jirin wax ay ka qabaneyso arintaas.

Xaliimo iyo Almaamo ayaa sheegaya in 3 sano kahor ay ugu dambeysya gabadhooda, xilligaas oo ay da’ ahaan jirtey 12 sano, hay’adda adeega bulshada ayaana gebi ahaanba jartey xiriir kasta oo dhexmari lahaa gabadha iyo waalidkeeda.

Almaamo wuxuu aaminsanyahay in qoyskiisa uu la kulmay cunsuriyad, dhibaatadan loo geysanayana uu ula kulmayo sababo ku aadan iney yihiin qoys muslim ah, isagoo tilmaamay in tacadigan aan xitaa loo geysanin qoysaska Kirishtaanka ah ee ka taga Africa iyo meelaha lamidka ah.

Lina oo ah haweeney Drso ah oo ku takhasustay cilmu nafsiga ayaa sheegeysa in garsoorayaasha dowladda Sweden ay yihiin kuwa baalmarsan xeerarka caalamiga ah, islamarkaana dhex-dhexaad ka ahayn doodah aiyo dacwada ku saabsan caruurta ay dowladdu qafaasho, ee loo soo gudbiyo.

Waxay tilmaameysaa in dowladda Sweden iyo laamaheeda kala duwan ay ku tumanayaan xuquuqda aas-aasiga ah ee caruurta, xoogna waalidiinta looga qaato carurtooda.

Dowladda Sweden ayaa sanadkiiba waxay lacago malaayiin dollar ah siisaa hay’adda adeega bulshada ee masuulka ah qafaalka caruurta muslimiinta, 2% miizaaniyadda sanadla ah ee dowladda waxay ku baxdaa hay’addan masuulka ah dhibaateynta caruurta muslimiinta.

Westarbarag oo ah haweeney qareen ah, waxay tilmaameysaa in qafaalka caruurta muslimiminta ee Sweden ay tahay howl ganacsi oo lacago aad u farabadan laga helo, sidaasi darteedna ay maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheyso, iyadoo ahdaafta laga leeyahay ay qeyb ka tahay in xitaa hanti looga helo dowladda Sweden.

Waxya sheegtay in qoyskii Kirishtan ah ee ogolaada in gurigiisa uu kusoo biiro ilmo laga soo qafaaley qoys muslim ah uu hay’adda adeega bulshada ka heleyo bishiiba lacag dhan 2522 doollarka Maraykanka, sidoo kalena aaney jireynin wax canshuur ah oo uu siinayo dowladda Sweden.

Waxay intaa ku dartey haweeneydan in qoysaska ay ku tartamaan haynta caruurta waalidiintooda laga soo qafaaley, sidaasi darteedna aad arkeyso qoys haya 2 illaa 3 caruur ah oo waalidiintooda laga soo qaaday, kaasoo midkiiba lacagta ana soo tilmaamany uu bil weliba ka helayo.

" Haddi aad gacanta ku heyso caruur 2 illaa 3 gaaraya oo aadan adigu dhalin, lagana soo qaaday qoysaska muslimiinta, waxay ka dhigantahay inaad heysato nolol aad u wanaagsan” ayay hadalkeeda sii raacisay, iyadoo tilmaameysa lacagaha lagu qaato tallabadaas sharci darrada ah.

Qaanuunka Sweden ayaa dhigaya in marka hore caruurta laga qaadayo waalidiintooda loo geeyo qoysas kale oo ay isku reer yihiin, ama isku diin yihiin, laakiin haweeneydan wareysiga bixisay, waxay tilmaamtay in xeerkaas uu yahay keliya hadal warqad ku xariiqan, waaqica marka la joogana aanu jirin wax fulin ah.

Tani waa qeyb yar oo kamid ah dhibaatada ay leedahay in dadka muslimiinta ah u tahriibaan ama u safraan dhulalka gaalada ee Yurub iyo meelaha lamidka ah, nusuusta sharciga ahna waxay nahyineysaa in loo guuro dhulalka gaalada, mid kamid ah dhibaatooyinka soo deg dega ee arinkaas laga dhaxlana waa in caruurtaada laga qaato, la gaaleysiiyo, karaamadoodana lagu tunto, waxaana ka daran cuquubada Aakhiro qofka sugeysa, maadaama uu u bareerey inuu iska dhega tiro nas Sharci ah.

Related Items