Xadiith uu Bukhaari soo saarey, lagana wariyey Abuu Hureyra radiyallaahu canhu, wuxuu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam yiri " Sanadku waa 12 bilood, afar kamid ah waa bilo xurmad leh, saddexna way isku xigaana waana Dulqacda, Dul Xijja, Muxarram iyo sidoo kale bisha Rajabu Mudar oo u dhexeysa Jumaadaa iyo Shacbaan”.
Marka laga hadlo sababaha loogu magacaabay bilaha xurmada leh, waxay tahay in Allaah Subxaanahu watacaalaa uu bilahaas xarrimey noocyada dulmiga, iyo in dadadka dhexdoodu is dagaallaan, Allaah Subxanahu watacaalaa wuxuu kitaabkiisa kariimka ah ku yiri :-
"إن عدة الشهور اثنا عشر شهرا في كتاب الله يوم خلق السماوات والأرض منها أربعة حرم” (سورة التوبة:36)
Wuxuu kaloo Allaah kitaabkiisa kariimka ku yiri, mar uu ka hadlayay in la dagaallami karo bilaha xurmada leh:
"يسألونك عن الشهر الحرام قتال فيه قل قتال فيه كبير” (سورة البقرة:217)
Aayadan ayaa si cad waxay u tilmaameysaa in dagaalku xaaraam yahay inta lagu guda jiro bilahan, inkastoo dagaallada aan ku saleysneyn diinta Islaamka iyo kor yeelkeeda ay mar weliba yihiin kuwa xaaraan ah, hadana dagaallada ay suuradan ka hadleyso waxaa kamid ah dagaallada JIhaadka gaar ahaan kan dalabiga, balse haddii Jihaadku fardu ceyn yahay ma jirto xilli uu xaaraam yahay, cadowga horarka ah ee qabsaday bilaada muslimiintana marka ugu horeyso ee fursad lagu helo ayaa looga faa’ideysanayaa, sida ay tilmaamayaan culimada diinta Islaamka.
Bilaha xurmada leh ee Afarta ah waa bilo barakeysan oo uu Allaah Subxanahu watacaalaa fadli badan ku sheegey, wuxuu Allaah Cazza wajalla adoomihiisa ugu deeqaa abaalmarinta, isagoo u laab laabaya ajarka iyo thawaabka acmaashooda wanaagsan.
Xadiith uu Imaamu Muslim soo saarey, lagana wariyey saxaabiga jaliilka ah ee Abuu Hureyra radiyaallahu canhu, wuxuu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam yiri " Ramadaan kadib, soonka waxaa ugu fadli badan soonka la soomo bisha xurmada leh, salaad waajib ah kadibna waxaa ugu fadli badan Qiyaamu Leylka”.
Iyadoo uu Allaah adkeynayo xurmada bilahan afarta ah, wuxuu xarrimey in la is dulimiyo, maxaa yeeley dulmiga la geysto bilahan waa ka foolxumo iyo xumaan badanyahay dulmiga la geysto bilaha kale.
Ibnu Cabbaas Radiyallaahu canhu oo ah turjumaankii Quraanka kariimka ayaa mar uu fasirayay hadalka Allaah ee ah : "فلا تظلموا فيهن أنفسكم”
Wuxuu yiri " waxaa loola jeedaa bilaha oo dhan ha is dulminina, kadibna waa la nasakhay, waxana lagu soo koobay bilaha xurmada leh, dembiga bilahaas la sameeyana wuxuu Alle ka dhigay mid weyn, halka camalka wanaagsan abaalmarinta ka dhalaneysana uu weyneeyay”.
Marka laga hadlayo waxyaabaha la gudboon dadka muslimiinta si gaarah bilaha xurmada leh, waxay tahay in muslimiintu soo kordhiyaan acmaasha kheyriga ah ee ay qabtaan, sidoo kalena waa iney aad isaga ilaaliyaan dulmiga iyo xadgudubka.
Dulmiga ugu weyn ee waqtigan aynu noolnahay aadka loo fudueystana waxaa kamid ah in lagu tunto cirdiga muslimiinta, aana loo aaba yeelinin wax ka sheega dadka aan waxba galabsan, iyadoo tuhmad baadil ah ama was-waas sheydaan wax lagu dhisanayo.
Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu Mucaad ku yiri " kan iska qabo, isagoo tilmaamaya carabkiisa”. Markaas buu Mucaad yiri " Rasuulkii Allow, ma waxaa naloo qabanayaa waxaan ku hadleyno?” markaas buu yiri Suubanaha " hooyada haku weysee, dadka ma waxaa naarta afgembi loogu tuuraa waxaan ka ahayn waxay ku kasbadeen afkooda”.
Culimada muslimiinta waxay kaloo ku boorinayaan dadka iney aad xooga u saaraan abwaabta kheyrka iyo macruufka, kuwooda ballaaran, si gaar ah xilliyadan ay xaaladuhu culusyihiin, waxaana loo baahanyahay dadka uu Allaah wax siiyay iney ka war hayaan walaalahooda kale ee dhiban, ama culeesyada ay heystaan.