Diimuqraadiyadda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed [WARBIXIN].

Tuesday June 14, 2022 - 23:30:03
Liibaan Jeexoow
Xasan Sheekh iyo Farmaajo ku sugan Villa Somalia
Xasan Sheekh iyo Farmaajo ku sugan Villa Somalia
Maqaalkan aad hoos ka daalacan kartaan waxaa shabakadda SOMALIMEMO soo gaarsiiyay mid kamida qorayaasha Soomaaliyeed.
Dalku waxa uu cagaha saaray dhabadii Diimuqraadiyada!!

Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanu u adkayn lahayn Diimuqraadiyada!!

Waxaynu gaarnay horumar iyo Diimuqraadiyad lagu faani karo!!

Hadalasaas iyo kuwa ka ag-dhowba, waa hadalada ay ku dhawaaqaan kuna celceliyaan saasiyiinta soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwii hore iyo kuwa dambeba.

Inta badan siyaasiyiintu waxa ay ku cel-celiyaan in ay si aad ah u ilaalinayaan una dhowrayaan diimuqraadiyadda, dalkana ay ku dhaqayaan diimuqraadiyad.

Erayada ay adeegsadaan siyaasiyiinta waxaa ka mid ah "waxaan doonaynaa adkaynta diimuqraadiyada, waxaa la igu soo doortay si diimuqraadiyad ah, dhibka jira waxaa looga bixi karaa kaliya in la ilaaliyo lana adkeeyo diimuqraadiyada, hadii la i doorto dalka waxaan gaarsiinayaa diimuqraadiyad dhamays tiran”.

Hadaba, waxaa laga yaabaa in siyaasigaasi uusan dareensanayn khatarta ay leedahay kalmadaasi, waxaana laga yaabaa in uusan si dhab ah u fahansanayn waxa ay tahay Diimuqraadiyadu, waxaa laga yaabaa in uusan ogayn in erayadaas uu ku hadlayo uu kaga baxayo Diinta Islaamka, maxaa yeelay diimuqraadiyadu waa mabda’ dhamays tiran oo si rasmi ah uga soo hor jeedda diinta Islaamka, hadii si hoose loo eegana DIIMURQAADIYADU WAA DIIN MADAX BANAAN oo ka soo hor jeedda diinteena Islaamka.

Qof muslim ah hal waqti iskuma ahaan karo mid ilaaliya oo dhowra shareecada islaamka isla markaasna dhowra mabda’a diimuqraadiyada, sida uusan qof muslim ahi uusan hal mar u wada ahaan karin Muslim iyo Nasraani.

Ereyga "Diimuqraadi” waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah XUKUN IYO SHACAB, Isu-geyntooduna waa XUKUNKA WAXAA ISKA LEH DADWEYNAHA.

Hadii aynu miizaanka saarno hadalkaas kaliya ee ah Xukunka waxaa iska leh Shacabka, waxaa inoo soo baxaya in uu yahay hadal lagu gaaloobayo, diintana si dhamays tiran looga baxayo, maxaa yeelay hadalkaani waxa uu ka soo horjeedaa hadalka Allaah ee ah
إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۚ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ
"Xukun oo dhan waxaa iska leh Allaah, Allaah waxa uu amray oo xukumay in aydaan caabudin cid aan asaga ahayn”.

Asal ahaan kelmedda " Diimuqraadi " waa kelmad Giriig ah, waxayna si qoto dheer usoo gashay bulshada islaamka kadib burburkii khilaafadii Cusmaaniyiinta ee xukumi jirtay dalalka islaamka, waxaana qurxiyey oo ku dhex faafiyey muslimiinta cadawga islaamka ee Yahuuda iyo Nasaarada.

Diimuqraadiyadu waa miisaan lasaaro umadaha, laguna cabiro marba intay diinta ka fogaadeen oo ay ka bayreen Diinta xaqa ah, una xuub-siibteen diin la’aan.


Diimuqraadiyadu waa nidaam uu dajiyey bini’aadamku, waa nimaad ay samaysteen gaaladu, waa nidaam si buuxda uga soo horjeeda Islaamka, waa nidaam uusan haba yaraatee aqbali karin qof Muslim ah, iskaba daa in uu ku dhaqmee.

Gaaladii dajisay nidaamka diimuqraadiga, waxa ay si cad u sheegeen in Diimuqraadiyadu ay ku dhisan tahay mabda’a "Secularism” kaas oo ah diin la’aan, ahna mabda’ ka dheer diin oo dhan.

Baaritaan la sameeyey waxaa lagu ogaaday in ragii dajiyey ee dhibada u aasay diimuqraadiyada, waqti dheerna ku bixiyey ku dhaqankeeda ay ahaayeen kuwa ka dheeraaday dagaalna kula jiray "diimaha” oo dhan.

Diimuqraadiyadu waxa ay diintii ku soo koobtay goobaha cibaadada, waxaana mabaadi’deeda asaasiga ka mid ah in la kala saaro lana kala dheereeyo Nidaamka iyo Diinta.

Diimuqraadiyadu waxa ay qeexaysaa in qofku uu xor ka yahay Allaah, xorna u yahay wax walba oo uu doono.

Diimuqraadiyadu waxa ay qeexaysaa in qofku uu xor u yahay diinta uu doono, dhaqan kasta uu jeclaado, ha fiicnaado ama ha xumaadee, fikir kasta iyo wax walba oo uu doono.

Diimuqraadiyadu waxa ay qeexaysaa in qofku uu xor u yahay in uu waxa uu doono ku hadlo, hadii uu doono ha caayo Allaah, Rusushiisa iyo Diintiisaba. Waana arimaha aynu maalin walbaa ka arkayno warbaahinta caalamka ayada oo ay gaaladii caynayaan Allaah iyo Rasuulkiisa SCW, maamulladii gaaladuna ay ku difaacayaan in uu qofku xor u yahay hadalkiisa.

Waxa ka dhacay Denmark, France, Swedan iyo Hindiyaba ma ahan wax qarsoon, ee waa nidaam ay Diimuqraadiyadoodu u ogolaatay.

Dalka Soomaaliya hadii uu qaato diimuqraadiyad sida ay doonayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalin walbaa la taagan warbaahinta, qof kasta oo soomaali ahi waxa uu xor u noqonayaa in uu caayo Allaah iyo Rasuulkiisa, in uu qaato diinta uu rabo, in ninku uu guursan karo nin kale, naagtuna ay guursan karto naag kale, in qof walbaa uu noqdo Jinsiga uu jecel yahay, isaga oo nin ah in uu iska dhigi karo naag, ayada oo naag ahna in ay iska dhigi karto nin.

Diimuqraadiyadu waa nidaam marka xaqa iyo baadilka lakala saarayo lagu kala saaro codayn iyo hal- dheeri .

Nidaamka diimuqraadiyadda marka laysku qabto ku dhaqankiisa waxaa loo celiyaa dastuurada ay dejiyaan xubnaha baarlamaanka iyo guurtida, kuwaas oo la baxay magaca ah sharci dajiyaal (سلطة التشريع ) .

Dastuurada ay dejiyaan qolyaha naftooda ku tilmaamay xeer dejiyaal, waxay ku dhisan yihiin ra’yi iyo hawooyin ay naftoodu u yeerisay.

Sheikh Soomaaliyeed ayaa waxa uu yiri "Nidaamkan (dimuquraadiyada) waxaa hormuud ka ah hay’adaha gaalada, waxaa fuliya madaxda xisbiyada,
 waxaa dadka jecleysiiya warbaahinta dalka ka jirta dhamaantood iyada oo anay u kala harin debed iyo gudaba, waxaa kale oo iyagana hormuud ka ahaa qaar kamid ah culimada dalka iyo madaxda ururada islaamiga ah, iyaga oo ka leexday manhajkii islaamka ee ah in umadda shareecada loogu yeero laguna xukumo lagana dhaadhiciyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan”.

Gabagabadii iyo gunaanadkii, Soomaalidu waa dad Muslimiin ah, qof kasta oo Muslim ahna waxaa waajib ku ah in uu qaato kuna dhaqmo shareecada Islaamka, isla markaasna uu ka dheeraado oo uu naco diimuqraadiyadda iyo mabaadi’deeda.

Koox kasta iyo nidaam kasta oo dalka Soomaaliya ee Muslimka ah u soo waaridda mabda’ kasta oo ka soo horjeeda midka shareecada Islaamka, oo ay ugu horayso diimuqraadiyadu, waxaa waajib ah in laga hortago lagana difaaco shareecada Islaamka.

Cid kasta oo ku dhaqanta diimuqraadiyada, oo difaacda ku dhaqankeeda, way ka baxday diinta Islaamka, waxaana waajib ah in laga hor tago.

W/Q Cabdullaahi Aadan Caraale

Related Items