Warbixin kasoo baxday hay'adda Amnesty Internnational ee sheegata iney u doodo xuquuqda Aadanaha ayay ku xaqiijisay in dowladda Ruushka ay fal dembiyeedyo dagaal ka geysaneyso wadanka Ukraine.
Hay’adda waxay sheegtay in baaritaanno ay sameysay ku ogaatay in dembiyo dagaal ay ka dheceen magaalada Kharikif oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, islamarkaana marti gelisay duqeymihii ugu xooganaa ee ay geysteen diyaaradaha Ruushka.
Warbixinta waxaa ciwaan looga dhigay " Waqti weliba waxaa suuragal ah inaad dhimato” waxaana baaritaankeeda uu qaatey 14 maalmood, iyadoo baariyaasha ka socday hay’adda ay la kulmeen dhinacyo kala duwan oo goobjoog u ahaa xasuuqa ay ciidamada Ruushku geysteen.
Warbixint hay’adda Amnesty waxay xaqiijineysaa in diyaaradaha Ruushka ay si aan loo meel dayin u garaaceen xaafadaha ay dadka shacabka ah deganyihiin ee magaalada Kharkiif, taasoo ay tilmaamtay hay’addu iney tahay dembiyo dagaal, maadaama ay ku dhinteen boqollaal ruux oo shacab ah.
Duqeymaha waxay u adeegsadeen ciidamada Ruushka hubka culus ee qaraxyada dhaliya, in hubka noocaas ah loo adeegsado dagaallo ka dhaca goobo ay dad shacab ah ku suganyihiin, iyadoo weliba la suureysan karo in dad shacab ah wax ku noqon doonaan, ayay Amnesty tilmaameysaa iney gaarsiisantahay fal dembiyeed dagaal, oo si ula kac ah loogu beegsaday dadka shacabka ah.
Cadeymo muujinaya in ciidamada Ruushku u adeegsadeen duqeymaha Kharkiif hub mamnuuc ay tahay in la adeegsado, ayay tilmaameysaa hay’adda Amneysty iney heshey intii ay waday baaritaannada la xiriira xadgdubyada uu Ruushku ka geystey magaalada Kharkiif ee dalka Ukraine.
Marka laga soo tago duqeymaha xaga cirka ah iyo kuwa madaafiicda goobta, waxay ciidamada Ruushku miinooyin ku aaseen wadooyinka ka baxa magaalada Kharkiif iyo kuwa gala, kuwaasoo lagu qarxiyay gawaarida dadweynaha ee isaga cararay jaxiimada duqeymaha Ruushka ee Kharkiif.
Warbixinta Amnesty waxaa si faafaahsan looga hadlay qaabkii uu ku billowday duqeymaha ciidamada Ruushku ku garaaceen Kharkiif, tan iyo billowgii duulaanka Ukraine ee 24kii February, kaasoo sii socday labo bilood oo xiriir ah, dhismayaashii magaaladana dhulka la simey, 1.5 milyan oo qof oo magaalada ku noolaana kumanaan kamid ah dhinteen, halka inta kalena ay barakaceen.
Haweeney lagu magacaabo Donatila, kana mid ah masuuliyiinta saree e hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnestry International waxay tilmaameysaa in dadka shacabka ah lagu beegsanayay suuqyada, wadooyinka, qubuuraha ay dadka ku aasayeen iyo xitaa marka ay safafka dhaadheer ku jiraan, iyagoo sugaya qaadashada kaalmooyin banii aadamnimo.
Waxay intaa ku dartay in adeegsiga hubka wax gumaada, iyadoo weliba si joogta ah loo isticmaalayo ay ka dhigantahay arin laga argagaxo, loona baahanyahay in ciidamada Ruushka ee arinkaas masuulka ka ahaa lala xisaabtamo.
Maamulka caskriga ee magaalada Kharkiif wuxuu horey u xaqiijiyay in duqeymaha Ruushka ee magaalada Kharkiif ay ku dhinteen 606 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 1248 ruux, oo dhamaantooda ahaa dad shacab ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Inkastoo Ruushka iyo Ukraine aaney qeyb ka ahayn heshiisyada lagu gaarey mamnuucitaanka isticmaalka sawaariikhda wax gumaada, hadana Amnesty waxay ku doodeysaa in guud ahaan dowladaha caalamka ay waajib ku tahay dhowrida xuquuqda Aadanaha iyo u hogaansanka heshiisyada caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigtay.
" In la fuliyo weeraro cashwaa’I ah oo dhalin kara dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah, waxay gaarsiisantahay fal dembiyeed” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International.
Garsoorka dalka Ukraine ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Ruushka uu kusoo qaaday dalkaas, wuxuu furey 12 kun oo baaritaan, oo la xiriira fal dembiyeedyo ay geysteen ciidamada Ruushka ee ka qeyb gaadanaya duulaanka Ukraine.
Dadka marqaati furkooda dhiibey, ee la hadlay hay’adda Amnesty waxaa kamid ah haweeney kalkaaliso caafimaad ah taasoo tiri " maalin maalmaha kamid ah anigoo taagan afaafka gurigeyga waxaa soo dhacay gantaal culus, qiiq madow ayaa cirka isku shareerey, dhulka ayaana isku tuurney, wiil yar oo 16 jir ah oo deriskeena ay dhaleen ayaana durba dhintey”.
Firiniko, iyaduna waa haweeney Ukraine kasoo jeeda, oo kamid ah dadka degan magaalada Kharkiif, waxay sheegtay in maalin maalmaha kamid ah uu gantaal kusoo dhacay garoon kubadda lagu ciyaaro oo u dhawaa xaafadeeda, markii dambena ay soo miirsatey iyadoo joogta isbitaal caafimaad, lugteeda midigna ay go’day.
26-dii April, saddex qarax oo aad u culus ayaa ka dhacay isla xaafadda ay deganeyd haweeneydaas, kadib markii diyaaradaha Ruushka ay duqeymo geysteen, waxaana goobta ku quur baxay 3 ruux oo shacab ah, halka ay dhaawacmeen 6 kale.
Olina oo ah haweeney 54 sano jir ah, waxay Iyana maalin iyadoo hor fadhisa guriga ay ka degantahay magaalada Kharkiif kusoo dhacay agagaarkeeda gantaal culus, xilli ay sugeysay iney qaadato kaalmo banii aadamnimo oo ay bixinayeen hay’adaha gargaarka.
Labada lugood ayay kaga go’day duqeyntaas, horeyna waxay uga badbaaday cudurka cansarka, waxay leedahay " horey waxaan u bartey inaan la noolaado cancerka, waana ka reystey, hadana waxaan baranayaa oo aan dagaal ugu jiraa sidii aan u noolaan lahaa lugo la’aan”.
Hay’adda Amnesty waxay baaritaan ku sameysay ugu yaraan 41 duqeymo oo ay diyaaradaha Ruushku ka geysteen magaalada Kharkiif tan iyo markii uu billowday duulaanka Ruushka ee Ukraine dabayaaqadii Febraayo sanadkan 2022-da.
Duqeymaha ay baaritaannada ku sameysay hay’adda waxaa ku naf waayay 62 ruux, halka ay ku dhaawqacmeen ugu yaraan 196 ruux, waxaana hay’adda ay wareystay 160 ruux, oo isuga jira dad ka badbaaday duqeymaha, dad dhawacyo kasoo gaareen iyo kuwa xubno qoysaskooda kamid ah ku naf waayeen ama ku dhaawacmene duqeymaha ka dhacay Kharkiif.