Kooxo Hinduus ah oo qoorta ka jaray Imaam Masjid.

Sunday June 19, 2022 - 11:17:46
Liibaan Jeexoow
Wadanka Hindiya waxaa wali kasii socda xadgudubyada aadka udaran ee ka dhanka ah dadka muslimiinta.
Fal bahalnimo oo argagax leh ayaa shalay ka dhacay mid kamida gobollada dalka Hindiya halkaas oo lagu tacdiibinayo kumanaan ruux muslimiin ah.

Hoggaamiyaasha muslimiinta Hindiya waxay sheegeen in kooxo Hinduus gaala ah ay weerar ku qaadeen Masjid kuyaal magaalada Siiwaan kadibna waxay qoorta ka gooyeen Imaamkii masjidka xilli uu hurdayay.

Jamaacada Masjidka ayaa sheegay in ay arkeen meydka Imaamka oo dhiiggii ka baxay uu masjidka saameeyay, muslimiinta Hindiya oo ka carooday falkan bahalnimada leh ayaa dibad baxyo ka dhigay dhowr magaalo.

Kooxaha Hinduuska Xagjirayaal ah ayaa sidoo kale gubay dhowr guri oo ay leeyihiin dadka muslimiinta, falkan wuxuu kusoo aadayaa xilli muslimiinta caalamka ay dhigayaan dibad baxyo ay uga dhiidhinayaan aflagaadadii uu Nabiga SCW ugeystay mas'uul katirsan dowladda Hindiya.

Related Items