Maxaynu ka ognahay Saldhigga milliteri ee uu Maraykanku ku leeyahay saddex geesoodka xuduudda 3 dowladood oo Carbeed! [Warbixin].

Tuesday June 28, 2022 - 16:48:48
Liibaan Jeexoow
Marba marka xigta waxaa soo baxa warar tilmaamaya in weerar sawaariikh loo adeegsaday ama noocyo kale lagu qaaday saldhiga ciidamada Maraykanka ee At-Tanaf, kaasoo ku yaala koonfurta dalka Suuriya.
Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday saldhigaas, wuxuu ahaa weerar uu xogtiisa baahisay wargeyska The World Street Journal, kaasoo sheegay in horaantii Bishan diyaarado milliteri oo ay leedahay dowaldda Ruushka ay beegsadeen saldhiga AT-Tanaf oo ah saldhiga milltiteri ee ay koonfurta Suuriya kaga suganyihiin ciidamada Maraykanka, lagana hogaamiyo duulaannada duqeymaha ah ee uu Maraykanku ka geysto wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Inkastoo wargeysku aanu tilmaamin xogaha rasmiga ah ee weerarka, sida khasaaraha ka dhashey iyo hadafka la beegsaday nooca uu ahaa, hadana waxay tani muujineysaa halista ciidamada Maraykanka ee jooga Suuriya kasoo wajaheysa dhinacyo kala duwan oo loolan adag kula jira.

Weerarkani ma ahan kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu beegsado ciidamada Maraykanka ee jooga saldhiga At-Tanaf, shanti sano ee lasoo dhaafay waxaa jiray weeraro soo noqnoqday oo lagu beegsaday saldhigan, kuwaasoo dhaliyay waxyeello kala duwan.

Waxaa weeraradaas mararka qaar loo adeegsan jirey diyaaradaha dronesta, waxaana geysanaya malleeshiyaad ku daaban dowladaha Iiraan iyo Ruushka, marna waxaa geysanayay ciidamada Nidaamka Nuseyriyada, halka mararka qaarna ay fuliyaan jamaacaad Jihaadi ah oo dagaal kula jira Maraykanka.

Nidaamka Nuseyriyada ee uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad, wuxuu uga dhiganyahay saldhiga At-Tanaf mid culees ku ah maamulidda koonfurta iyo deegaannada baadiyaha ee Suuriya, sidaasi darteed haddii uu Meesha ka baxo saldhiga Maraykanka waxay ka dhigantahay in koonfurta iyo baadiyaha Suuriya uu si toos ah gacanta ugu hayo nidaamka Nuseyriyada.

Hadaba ahmiyad noocee ah ayuu saldhiga At-Tanaf u leeyahay dowladda Maraykanka, islamarkaana keentay in dib loo dhiso, xilli sanadkii 2018-ka uu Donald Trump, madaxweynihii Maraykanka ku dhawaaqay in ciidankiisa kala baxayo Suuriya.

Saldhiga At-Tanaf, waxaa si rasmi ah loo aas-aasay sanadkii 2016-ka, waxaana laga dhisay saddex geesoodka xuduuda ay wadaagaan Suuriya, Urdun iyo dalka Ciraaq, juqraafi ahaanna dhulka uu saldhiga ku yaalo wuxuu raacsanyahay gobolka Ximis oo ah gobolka ugu weyn ee wadanka Suuriya.

Machadka Washignton ee diraasaatka bariga dhow, wuxuu tilmaamayaa in tirada ciidamada Maraykanka ee jooga saldhigaas lagu qiyaaso 100 illaa 200 oo askari, balse taqaariirta qaar waxay sheegayaan in tirada ay intaasi ka badantahay, ayna xitaa ciidanka jooga kamid yihiin kuwa ka socda Ingiriiska iyo dalal kale oo qeyb ka ah isbaheysiga Maraykanka hogaamiyo.

Saldhiga At-Tanaf, waxay dowladda Maraykanka u adeegsataa, sida ay tilmaameyso warbixinta uu baahiyay machadka in lagula dagaallamo malleeshiyaadka hoostaga dowladda Iiraan, sidoo kalena lagu caabiyo jamaacaadka JIhaadiga ah, wadahadallada ku saabsan mustaqbalka Suuriyana uu Maraykanku awood ku yeesho, maadaama ciidan ay ka joogaan dalka qeybo kamid ah.

Sawirro lagu qaaday dayax gamceedka oo ay baahisay warbaahinta Ruushka waxay muujinayaan in ciidamada Maraykanka ay sii ballaarinayaan saldhiga tan iyo markii uu dhismihiisu billwoday, sidoo kalena lagu xirey gantaallo cul culus iyo raajimaadka laga tuuro sawaariikhda.

Marka laga hadlayo goobta rasmiga ah uu saldhigu ku yaalo, wuxuu dhacaa wadada laamiga ah ee xiriirisa Dimishiq iyo Baqdaad, Washington ayaana ku doodeysa in wadadaas ay tahay tan gurmadka ka imaanaya CIraaq lagu gaarsiiyo malleeshiyaadka shiicada ah ee ku sugan Suuriya.

Waxaa saldhiga ku geedaaman mandiqad dadka ka caagan oo dhan 55 kilometer, taasoo ku timid Isfahan dhexmaray dowladaha Maraykanka iyo Ruushka oo ay ciidamo gumeystayaal ah ka joogaan dalkan muslimka ah ee Suuriya ee ay dadkiisu dhibanyihiin.

Marka laga soo tago deegaannada dhaca wuqooyiga Suuriya oo qeybo kamid ah ku suganyihiin malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee uu Maraykanku taageero, saldhiga At-Tanaf waxaa lagu tiriyaa inuu yahay goobta keliya ee ay ciidamada Maraykanka ka joogaan Suuriya.

Machadka DIraasaatka ee Washington ayaa ku faanaya in saldhiga At-Tanaf uu qeyb libaax leh ka qaatay yareynta awoodda malleeshiyaadka shiicada ah ee Iiraan iyo xitaa sidoo kale awoodda jamaacaadka islaamiga ah.

Saldhgia At-Tanaf, wuxuu Marayknaku ku tabaraa malleeshiyaad Suuriyaan ah oo ka amar qaata Maraykanka, kuwaasoo howshooda ugu weyn ay tahay ilaalinta saldhiga ciidamada Maraykanka iyo iney cambuur bireed u noqdaan askarta Maraykanka, haddii ay dhacdo in lasoo weeraro.

Ciidanka Maqaawiirta kacdoonka, waa malleeshiyaad adeegayaal u ah Maraykanka, waxay asalkooda ahaayeen ciidamo kasoo goostey nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad, kana howlgeli jirey gobolka Deyru-zuur ee bariga Suuriya.

Bayaan qoraal ah oo ay soo saareen waxay si muuqata ugu faaneen in howshooda ay hadda tahay ilaalinta aaga saldhiga At-Tanaf, iyo iney ka hortagaan isku dayo weliba oo lagu doonayo in loogu soo duso saldhiga, laguna beegsado ciidanka Maraykanka.

Inkastoo ay huwanyihiin magac kacdoon, hadana wax shaqo ah kuma lahan kacdoonka, dagaalna lama galaan malleeshyaadka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad ee ay reer Suuriya markii hore kacdoonka ku iclaamiyeen, sheegeenna iney kacdoonkooda wadi doonaan inta ay talada ka tuurayaan.

Maadaama tirada malleeshiyaadkan ay aad u yartahay, waxaa la is weydiin karaa qaabka ay suuragal ugu tahay ilaalinta saldhiga, waxayna iyagoo ka jawaabaya tilmaameen in iskaashi buuxda ay ka helaan isbaheysiga caalamiga ah ee uu Maraykanku hogaamiyo, taasoo la micno ah in diyaarado drones ah lagu ilaaliyo, howshoodana ay tahay waardiyeyn oo keliya.

Sawirro kooxda Maqaawiirta kacdoonka ay ku baahiyeen baraha Intenetka, waxaa lagu arkayaa malleeshiyaad kooxda katirsan oo tababaro ay siinayaan ciidamada Maraykanka, waxaa kaloo arkayaa ninka hogaamiya kooxda oo indha indheynaya raadadaka ka dhashey duqeyn dhawaan ka dhacday nawaaxiga saldhiga ciidamada Maraykanka ee koonfurta Suuriya At-Tanaf.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa tirada malleeshiyadan ilaalisa ciidamada Maraykanak ee jooga At-Tanaf, waxay ku qiyaastay illaa 300 oo askari, waxayna sheegtay iney deganyihiin aaga saldhiga ee dadka ka caagan, kaasoo dhan 55 kilometer.

Marka laga hadlayo dowrka iqliimi ee uu qaadanayo saldhiga At-TANAF, wuxuu tilmaamaya korneel hore oo lagu magacaabo Faayiz Al-Asmar, ahna falanqeeye milliteri, in dowladda Maraykanka ahmiyad gaar ah ay ugu fadhiso dhamaan saldhigyada ay ku leedahay dalka Suuriya.

Wuxuu sheegayaa in inta badan ay degaan goobaha xuduuda ah, sida xuduuda ay wadaagaan Suuriya iyo Turkiga, ama Suuriya iyo Urdun ama Suuriya iyo Ciraaq, waxaana saldhigyada ay deganyihiin kamid ah Talbeydar, Ash-SHadaadi, Ramiilaan, iyo saldhiga Kharaab Cashaq oo uu Marayknaku ku leeyahay magaalada Ceynul Carab oo dhacda xuduuda ay wadaagaan Suuriya iyo Turkiga.

Wuxuu intaa ku daray Al-Asmar oo ah hogaamiye oo katirsanaa ciidanka Mucaaradka Suuriya in dhamaan saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ay ku yaalaan bariga webiga Al-Furaat iyo baadiyaha gobolka Aljazeera, marka laga reebo saldhiga An-Nataf oo dhaca baadiyaha Shaam, oo ah koonfurta Suuriya.

Ahmiyadda saldhigan uu ugu fadhiyo dowladda Maraykanka wuxuu sheegay iney muujineysa saddex geesoodka uu ku yaalo oo ah xuduudaha ay wadaagaan Suuriya, Urdun iyo Ciraaq. Wuxuu kaloo sheegay in ahmiyadiisa laga dheehan karo inuu dhaco wadada xiririsa Baqdaad iyo Dimishiq oo kala ah caasimadaha Suuriya iyo Ciraaq.

Al-Asmar ayaa intaa ku daray in ciidanka Maraykanka ee jooga saldhiga ay heystaan masaaxo ballaaran oo ay galaangal milliteri ku sameyn karaan ama xitaa ku fulin karaan weeraro ka dhaca meel ka baxsan dalka Suuriya.

Machadka Diraasaatka ee Washington, wuxuu dhankiisa tilmaamayaa in saldhiga Maraykanka ee gobolka At-Tanaf uu sidoo kale ahmiayd u leeyahay maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin.

Wuxuu saldhigan ka qeyb qaadanayaa ama fududeynayaa in diyaaradaha Yahuudda ay duqeymo ka geystaan deegaannada uu ka arrimiyo nidaamka Nuseyriyada, si fududna ugu soo noqdaan goobihii ay diyaaradahaas ka duuleen.

Dowladda Urdun oo taxaaluf dhowr la leh Marayknaka, ayaa dhankeeda waxay faaiido u aragtaa saldhiga ciidanka Maraykanka ee koonfurta Suuriya iyo malleeshiyaadka uu tababaray, taasoo xuduuda dalka Urdun ka ilaalin karta iney kasoo dusaan kooxo hubeysan oo weeraro ka fulin kara gudaha dalka Urdun.

Waxay kaloo malleeshiyaadka uu tababaray Maraykanka yareeyeen in kaamka Ar-Rukbaan oo ay deganyihiin qoxooti badan oo Suuriyaan ah aaney dhexdiisa ka dhalan jamaacaad hubeysan oo fulin kara weeraro ka dhaca gudaha dalka Urdun ama beegsada kuwa Maraykanka, maadaama roondo joogta ah ka sameeyaan nawaaxiga kaamka, ayna baaraan dadka galaya iyo kuwa kasoo baxaya.

Joe Biden, madaxweynaha Maraykanka ayaa dib u eegis ku sameeyay siyaasadda Maraykanka ee Suuriya, wuxuuna tilmaamay inuu xooga saari doono sii wadida weerarada ka dhacaya Suuriya ee lagu beegsanayo jamaacaadka Jihaadiga ah.

Machadka Diraasaatka ee Washignton ayaa tilmaamaya in go’aanka Biden uu yahay mid saxan, marka loo eego go’aanka uu Suuriya ka qaatay madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Trump, kaasoo xooga saarayay sidii ciidamada Maraykanka qeyb uga qaadan lahaayeen in la helo xukuumad kumeel gaar ah, oo mideysa nidaamka Nuseyriyada iyo kooxaha mucaaradka Suuriya.

Inkastoo maamulka Aqalka cad ee Maraykanku aanu wax ahmiyad ugu fadhin ahdaaftii siyaasadeed ee madaxweynihii hore Trump, oo uu hadda Biden sheeda ka daawanaya tallaabooyinka isku soo dhawaanshaha ah ee dhexmaraya dowladaha carbeed iyo maamulka Nuseyriyada, hadana waxay Ameerikaanku ka simanyihiin in Suuriya gaar ahaan koonfurta laga helo meel un ay salka dhigtaan ciidamada Maraykanka, joogitaankaas oo Maraykanka u sahli kara inuu danaha uu ka leeyahay Suuriya ka fushado.

Faayiz Al-Asmar, wuxuu tilmaamayaa in joogitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhiga At-Tanaf, uu howsha ugu weyn ee uu qabanayo tahay ilaalinta amniga maamulka Yahuudda, haddii ay dhacdo in malleeshiyaadka shiicada ah ay isku dayaan iney weerar ku qaadaan dhulka Yahuudu xooga ku heysato ee Filastiin.

Sidaasi darteed, waxaa la filayaa in Maraykanku geeyo saldhigaas sawaariikh horleh oo casri ah, si haddi ay dhacdo in Maraykanku faragelin xaga barriga ah uu ku sameeyo gobollada Suuriya uu saldhigu u noqdo talis dhexe oo laga hago howlgallada.

Maraykanka ayaa saldhigyo milliteri ku leh inta badan wadamada caalamka Islaamka, waana astaan iyo tilmaam cad oo muujineysa gumeysiga ay ku jiraan wadamada caalamka Islaamka. Dhulka Bilaadul Xarameyn oo uu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam amray in laga saaro mushrikiinta ayaa waxaa ku sugan boqollaal askari oo Maraykan ah, Yemen, Soomaaliya, Qadar, Imaaraatka iyo dalal kalena waxaa saldhigyo ku leh ciidamada Maraykanka, kuwaasoo halkaas u jooga la dagaalanka muslimiinta iyo ka hortaga isku day weliba oo lagu doonayo in lagu soo celiyo Al-Khilaafa Ar-Raashida.

Related Items