Dowladda Suudaan oo ciidamo Itoobiyaan ah ku laysay weerar ka dhacay deegaannada Xuduudda.

Wednesday June 29, 2022 - 08:42:14
MeMO Staff
waa sawir gaadiid laga gubay ciidanka Itoobiya
waa sawir gaadiid laga gubay ciidanka Itoobiya
Kadib weerar cir iyo dhul ah oo ciidamada Suudaan ay ku qaadeen deegaannada dhaca xuduudda Itoobiya ayay khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada Xabashida Itoobiya.
Wararka ka imaanaya mandiqadda Alfashaqa ayaa sheegaya in dagaallo culus ay shalay halkaas ku dhaxmareen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Suudaan.

Wargeys kasoo baxa magaalada Khurduum ayaa sheegay in ciidamada Suudaan ay dagaalka ku dileen tobanaan askari Itoobiyaan ah islamarkaana ay kusoo qafaasheen tobaneeyo katirsan Amxaarada.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiid dagaal oo laga gubay ciidamada Itoobiya ee kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada.

Melleteriga Suudaan oo ka jawaabayay tallaabadii lagu daldalay 7 katirsan ciidamadiisa ayaa qaaday aargoosi weyn oo lagu laayay ciidamo Amxaaro ah balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin xukuumadda Addis Ababa.

Related Items