Al Shabaab oo weeraray saldhig kuyaal duleedka magaalada Boosaaso.

Thursday June 30, 2022 - 11:24:41
MeMO Staff
sawir hore qarax ka dhacay Galgala
sawir hore qarax ka dhacay Galgala
Xoogag jihaadi ah ayaa markale weerar culus ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland.
Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafic ah ku garaaceen saldhigga ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Galgala ee duleedka Boosaaso.

Dad ku sugan gobolka Bari ayaa soo sheegay in ay maqlayeen qaraxyo dhowr ah oo ka dhashay madaafiicdii lagu weeraray saldhigga.

Madaafiicda qaar ayaa gudaha saldhigga ku hoobtay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 askari oo katirsan Daraawiishta maamulka 'Puntland' ay ku dhaawacmeen weerarka madaafiicda ah.

Related Items