Dowladda Itoobiya oo ciidamo dheeraad ah udirtay Xuduudda Suudaan.

Thursday June 30, 2022 - 12:12:34
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya xuduudda ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Suudaan ayaa sheegaya in markale ay halkaas ka aloosmeen xiisado colaadeed saacado kadib markii guuldarro dhabarka loo saariyay ciidanka Xabashida.
Dowladda Itoobiya ayaa kumanaan kun oo askar dheeraad ah ku daad guraysay deegaannada kulaala xuduudda ismaamulka Amxaarada iyo mandiqadda Afashaga.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Itoobiya ay gaadiidka gaashaaman iyo madaafiicda goobta ay gaysay dhulka lagu murunsanyahay waxayna ciidamadeedu isku diyaarinayaan qaadista weerar aagudasho ah.

Melleteriga Suudaan ayaa isna xoojiyay ciidamada uga sugan aagga dagaalka waxayna ka feejiganyihiin weerar walba oo dhanka Itoobiya uga yimaad, warbaahinta maxalliga ayaa soo warisay in Jeneraal Alburhaan oo amray in ciidamo dheeraad ah loo diro Alfashaga.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa isku dayaysa in ay qalabayso maleeshiyaadka Amxaarada si ay weeraro arbushaad ah ugu qaadaan dadka beeralayda suudaaniyiinta ah ee ku sugan deegaannada laysku murunsanyahay.

Related Items