Ciidamada Dowladda oo dilay sarkaal katirsan Waaxda Canshuuraha.

Thursday June 30, 2022 - 17:30:36
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in maleeshiyaadka DF ay maata barqadii togteen mid kamid ah shaqaalaha dawlada oo ka shaqaynayay qeybta Minishiibiyada.
Shaqsiga la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur waxaana la sheegay in muran usoo kala dhaxgalay isaga iyo askar ku sugnaa isgoyska Mirinaayada kadibne ay ku dhax toogteen gaarigiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maxamed Nuur inta aan la toogan uu lasoo baxay bistoolad uu watay taasina ay sababatay dilkiisa .

Dhacdadan ayaa imaanaysa iyadoo maleeshiyaadka DFS ayaa maalinkii shalay dhac ugaysteen gobo ganaci oo ku yaallay dagmooyinka Suuq Bacaad iyo Wardhiigley, ciidamada dawlada ayaana caada ka dhigtay dhibaatanta dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.

Related Items