5 katirsan ciidamada ATMIS oo lagu dilay Sh/hoose iyo Maleeshiyaad ku dhintay duleedka Mahadaay.

Saturday July 02, 2022 - 08:12:01
MeMO Staff
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.
Xoogag jihaadi ah ayaa shalay gelinkii dambe weerar jidgal ah udhigay maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Miirtaqwo iyo degmada Mahadaay.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay illaa 3 askari halka ay 5 kale dhaawacyo soo gaareen, maleeshiyaadka Danab ayaa meydadkooda iyo dhaawacyadooda lagu qaaday diyaarado nuuca qumaatiga ukaca ah oo kusoo degay halka loo yaqaan humug humug.

Sidoo kale weerar culus ayaa xalay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Dhinaca kale 5 katirsan ciidamada shisheeyaha ATMIS ayaa ku dhintay qarax miino oo maanta barqadii lagula beegsaday deegaanka Lambar 60 ee duleedka degmada Marka Sh/hoose.

Related Items