Villa Somalia oo xaqiijisay in ay dhinteen qaar kamid ah askartii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Saturday July 02, 2022 - 12:22:46
MeMO Staff
Markii ugu horraysay dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay dhinteen qaar katirsan maleeshiyaadkii Soomaalida ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.
Cabdikariin Kaar oo ah afhayeenka madaxtooyada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaar badan oo kamid ah dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea ay dhinteen balse ma sheegin tirada rasmiga ah ee askarta dhimatay.

Afhayeenka ayaa sabata dhimashada keentay ku sheegay mid dabiici ah isagoo aan marnaba soo hadal qaadin in askarta qaar kamid ah lagu dilay dagaallada ka holcaya gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobya.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh sheegay in inkabadan 5,000 oo askari ay tababar ugu direen dalka Eritrea.

Related Items