Kenya oo ku dhawaaqday waqtiga ay bilaabanayaan duulimaadyada Khaatka ee Soomaaliya.

Saturday July 02, 2022 - 12:38:38
MeMO Staff
Dowladda Kenya ayaa ugu bishaaraysay beeralayda Khaatka wadankeeda in isbuucan gudihiisa ay lacago malaayiin dollar ah kasoo xarayn doonaan Soomaaliya.
Peter Munya oo ah wasiirka beeraha xukuumadda Nairobi ayaa shalay sheegay in maalinta Talaadada ee ku beegan 5 July 2022 ay si rasmi ah ubilaaban doonaan duulimaadyada Kenya lagu geynayo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in fasax buuxa lasiiyay dhammaan shirkadaha duulimaadyada Kenya in ay Khaatka geyn karaan dhammaan magaalooyinka Soomaaliya.

45 maalmood ka hor markii madaxweyne loo doortay Xasan Gurguurte ayay Kenya muujinaysay rejada ay ka qabto in suuqeeda khaadka Soomaaliya ay dib usoo ceshato kadib sanado uu xayiraad kusoo rogay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

Related Items