Amiirka Taliban "kama tanaasuli doono Tadbiiqinta Shareecada islaamka xataa haddii noola adeegsado Nuclear".

Saturday July 02, 2022 - 12:50:25
MeMO Staff
Mas'uulka ugu sarreeya Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan dagaalkii Jihaadka ahaa ee wadanka ka socday 21-kii sano ee lasoo dhaafay.
Magaalada Kaabuul waxay martigelisay shirweyne ay kasoo qeybgaleen 3500 oo isugu jira culimo, hoggaamiye dhaqameed iyo aqoonyahano, waana kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo markii ay Imaarada Islaamiga ah talada la wareegtay bishii Augst 2021.

Kulanka oo sedax maalmood socdan doona waxaa lagasoo saari doonaa bayaan wadajir ah oo lagu ayidayo sharciyada Imaarada Islaamiga iyo Amiirkeeda, dadka reer Afghanistana lagu farayo in ay adeecaan hoggaanka talada u haya.

Amiirka Imaarada Islaamiga Mowlawi Heybatullah oo shalay khudbad dheer ka jeediyey shirka si adagna uga hadlay isku dayada lagu doonayo in lagu cadaadiyo dowladooda ayaa sheegay in marnaba aysan ka tanaasuli doonin xukunka shareecada xitaa haddii uu Mareykanku ku garaaco hubka wax gummaado ee Nuclear-ka.

"Waxaan addoomo u nahay hal illaah oo kaliya kaas oo ah ALLAAH, mana lagu yaabo inaan ku dhaqaaqno wax carogelinaya Allaah.. cilaaqada Allaah nagala dhexeyso waa mid addoonimo, mana aqbaleyno wax ka careysiinaya rabigeena. wallaahi haddii aad dhammaan gantaaladiina atomic-ga ah usoo daabulataan dagaalkeena, ma aqbaleyno wax ka careysiinaya rabigeena, waxaan nahay dad madax banaan oo xor ah, caalamkuna waa in uusan nagu dirqin awaamirtiisa iyo go'aanadiisa, kuma ayaad tihiin markaad na amreysaan, kuma ayaadse tihiin markaad faraha lasoo galeysaan arimaheena gaarka ah"ayaa lagu yiri Amiirul Mu'miniin Heybatullaah.

Shirka culimada magaalada Kaabuul ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen wadanka ayna Imaarada Islaamiga ah dib ula wareegtay ciidda dalka Afghanistan.

Related Items