Shil khasaara dhaliyay oo ka dhacay magaalada Burco.

Saturday July 02, 2022 - 16:59:08
MeMO Staff
Wararka laga helayo magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in shil khasaara dhaliyay uu markale ka dhacay gudaha nagaaladaasi.
Inta la xaqiijiyay shilka waxaa shilka ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeyn shan qof oo kale.

Illo wareedyo warbaahinta lahadlay waxay sheegeen in shilka Gaari ee ka dhacay Magaalada Burco uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Mootada nuuca looyaqaano Bajaaj-ta iyo Gaari Bas ah oo xiligaas waday dad rayid ah .

Waxaa warbaahinta lahadlay  agaasimaha Isbitaalka Magaalada Burco wuxuuna sheegay in Isbitaalka lasoo gaarsiiyay dad qaba dhaawacyo halis ah, balse haatan gudaha Isbitaalka ay kula tacaalayaan xaaladooda caafimaad.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay shilka halka ay dhaawacyo soo gaareen illaa 5 ruux oo dhammaantood ka mid ahaa dadkii la socday gaariga baska ah.

Shilalka gawaarida waa waxa ugu badan ee sabab dhimasha dadka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulka isku magacaabay Soomaaliland , tirakoob lasoo saaray ayaa lagu sheegay tirada guud ee shilalka ka dhacay dhulalkan in ay gaarayaan 5,581 shill waxaana ku dhintay 212 ruux iyo burburka gawaari gaareysa 3,101.

Bishii Maarso  28, 2022 ayey ahyed markii shill sababay dhimshada laba ruux uu ka dhacay magaalada Burco gaar ahaan hotelka isha Burco ee xaafada Plusa .

Related Items