REUTERS: Ruushka waxa uu qarka u saaranyahay inuu dib uga dhaco gudida deymaha lagu leeyahay.

Saturday July 02, 2022 - 18:17:57
MeMO Staff
isbuucii lasoo dhaafay dowladda Ruushka waxay aad ugu dhawaatay iney aad uga dib dhacdo gudidda deymaha lagu leeyahay waqtigii lagu ballamay,
 maalgashadayaasha caalamiga ahna illaa iyo hadda ma helin wax jawaab ah oo uga timid Ruushka, haddii ay dhacdo in Ruushku gudi waayo deymaha lagu leeyahayna waxay noqoneysaa in tobanaan sano kadib ay markii ugu horeysay dowladda Ruushka xaaladaas mareyso, arintan waxaa lagu sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dowladda Ruushka waxay marar badan ku celcelisay iney aad isugu dayi doonto ineysan ka dib dhicin gudida deymaha waqtigii lagu lahaa, waxayna culees badan ka dareemeysaa cunqabateynnada uga yimdi reer galbeedka, iyo iyadoo laga fogeeyey nidaamka maaliyadeed ee caalamka.

Aqalka looga arimiyo Ruushka ee Karmilin wuxuu marar badan kusoo celiyay ineysan jirin wax Ruushka ku riixaya iney iska bixin weyso deymaha lagu leeyahay, balse culeeska taagan uu yaahy ineysan awoodin in dadka hantida ku leh ay u dirto lacaghooda, sababo ku aadan iyadoo laga joojiyay gebi ahaanba isticmaalka adeegyada wax la isugu diro ee bankiyada.

Dadaallada ay bixineysay dowladda Ruushka ee ku aadan gudida deymaha ayaa la kulmay culeesyo iyo caqabado aaney sinabada uga gudbi Karin Moskow, sida warbixinta Reuters tilmaameyso, kadib markii masuulka ilaalada lacagaha Shisheeye ee wasaaradda keydka ee Maraykanka uu Ruushka ka hor istaagay iney bixiso deymaha lagu leeyahay.

Danis oo kamid ah masuuliyiinta shirkad lagu magacaabo Quwinin ayaa tilmaamay inaaney wax shakki ah ka qabin iney baaqan doonto waqtiga ay dowladda Ruushka ka heli lahaayeen deymaha ay ku leeyihiin, keliyana su’aasha ay is weydiinayaan ay tahay waqtiga ugu horreeya ee ay heli doonaan lacagahooda.

" Waxaa arinta soo kala dhexgalay xafiiska xakameynta lacagaha ajnabiga, hadana way noo muuqataa in Ruushku ka dib dhici doonto gudida deymaha aan ku leenahay” ayuu yiri ninkaan la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maadaama sida muqata dowladda Ruushka aanu hadda dhaqaale darre baahsan aanu heysan, sidoo kalena aaweny awoodin iney lacago ka deynsato reer galbeedka, waxay u badnaan doontaa in lacagahan waqti lagu sii lahaan doono, taasoo kordhineysa tiradooda, maadaama nidaamka Ribada uu yahay kan ay ku tacaamulaan reer galbeedka, kaasoo dhigaya in qofka haddii deynta waqtigeeda uu ku bixin waayo laga qaado lacago dheeri ah.

Lacagta lagu leeyahay dowladda Ruushka waxay hadda dhantahay 100 malyan oo dollar, waxaynau ballaantu ahayd iney ku bixiso qeyb Dollar qeybna Yuro, iyadoo waqtiga ballantana ee ku ekaa maalintii shalay oo Axad ahayd.

Wasaaradda Maaliyadda ee Ruushka waxay sheegtay in lacagaha lagu lahaa ay ku wareejisay hay’adda ay ballantu ahayd iney u dhiibto, sidaasi darteedna ay oofisay ballanteeda, laakiin sheegashadan waxaa loo micneeyay mid afka ah oo aan waxba ka jirin.

Dagaalka uu Ruushka ku qaadya Ukraine ayaa saameyn muuqata wuxuu ku yeeshey dhaqaalaha Ruushka, inkastoo weli aaney gaarin meel aad usii liidata, hadana sii socoshadiisa iyo cunaqabateynnada dhaqaale ee lagu soo ragay waxay keeni doontaa in dhaqaalaha Ruushka uu ugu dambeyn dhulka galo.

Dhawaan, Warbixin cusub uu daabacay wargeyska The Newyork Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Ruushka ay boobtey keydadkii qamadiga ee dalka Ukraine, maalmihii ugu horeeyey ee duulaankeeda dalkaas, taasoo sida ay warbixintu tilmaameyso kor u qaaday heerka faqri ee ka jira caalamka iyo qiimaha sicirka suuqyada caalamiga ah.

Dowladda Maraykanka ayaa madaxtooyada Karmalin waxay uga digtay tallaabo weliba oo ay ku dooneyso in suuqyada qaaradda Africa uu Ruushku ugu iib geeyo qamadiga uu xooga uga qaatay Ukraine, kaasoo aad u badan sida warbixintu sheegeyso, maadaama Ukraine ay dhoofin jirtey toban meelood hal meel guud ahaan qamadiga caalamka.

Bartimihii bishii Marso, dowladda Maraykanka waxay farriin digniin ah u dirtay ugu yaraan 14 dowladood, oo badankood dhaca wuqooyiga iyo bariga Africa, kuwaasoo ay kaga digeyso iney iibsadaan qamadi ku raran doonyo Ruushku leeyahay oo kasoo shiraacday xeebaha u dhow dalka Ukraine.
Digniintaan oo ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa waxaa lagu cadeeyay magacyada doonyaha sida qamadiga laga soo xaday Ukraine ama xooga looga soo fara maroojiyay.

Isku dayga Washingotn ayaana loo arkay tallaabo horleh oo uu cadaadis ku saarayo dalka Ruushka ee duulaanka bahalnimada ah ku qaaday Ukraine, kaasoo weli soconaya, reer galbeedka iyo xulafadiisana ay u muuqdaan kuwa awoodi la’ iney soo afjaraan, oo ay guul darro qaraar gaarsiiyaan Ruushka.
Digniinta kasoo baxday Maraykanka ee gaartay dowladahan Afrikaanta ah ayaa waxay kordhisay culeeska iyo taxadiga ay dareemayaan dowladaha dhaca qaaradda Africa, kuwaasoo ku dhex dhimanaya reer galbeedka iyo reer bariga.

Sida warbixintu tilmaameyso, dowladaha Africa intooda badan kuma dhacaan iney ka caryesiiyaan reer galbeedka uu hogaaminayo Maraykanka, sidoo kalena way ku adagtahay iney iska diidaan qamadigan rakhiiska ah ee ay keentay dowladda Ruushka, maadaama sarakac ballaaran uu ka jiro suuqyada caalamka, haddii ay diidaanna ay ka dhigantahay in kumanaan ruux oo ku nool wadamada Africa ay gaajo u dhintaan.

Dowladda Ukraine dhankeeda waxay sheegeysaa in Ruushku xaday qamadi dhan 500 oo tan, taasoo qiimo ahaan gaarsiisan 100 malyan oo doollarka Maraykanka ah, xatooyadaas ayayna sheegtay iney soo billaabatay bishii Febraayo, xilligaas oo ah waqtiga uu Ruushku gudaha u galay dalka Ukraine, dagaalka weli socdana billaabay.

Masuuliyiinta Ukraine waxay ku doodayaan in badi qamadigaas lagu daabuley gawaarida xamuulka ee waaweyn, lana geeyey jaziiradda Al-Qaram oo ay gacanta ku heyso dowladda Ruushka, halkaasna looga qaaday doonyo ganacsi, balse qaar kamid ah qamadigaas waxaa dul saaran xayiraad xaga reer galbeedka ah, suuqyada caalamiga ahna weli looma iib keenin.

Related Items