Ciidamada maamulka 'Somaliland' oo dad shacab ah ku xiray Laascaanood.

Sunday July 03, 2022 - 09:34:12
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka 'Somaliland' ay howlgal raaf ah ku qabqabteen dad shacab ah.
Ciidamada Boolis ah ayaa magaalada Laascaanood ku xirxiray dhowr qof oo kamid ahaa ganacsatada deegaanka kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedaan maamulka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada maamulka 'Somaliland' ay ku mashquulsanyihiin soo xiridda dad hor leh, sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii magaalada Laacaasnood lagasoo raafay kumanaan qof oo kasoo jeeda Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Related Items