Maamulka 'Jubbaland' oo sheegay in ay baarayaan Xasuuqii shacabka loogu geystay deegaanka Qudus.

Sunday July 03, 2022 - 12:13:55
MeMO Staff
Markii ugu horraysay maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa ka hadlay xasuuqii ay maleeshiyaadka Danab isbuucii lasoo dhaafay ka geysteen deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka 'Jubbaland' iyo xildhibaanno kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan xasuuqii ay maleeshiyaadka huwanta ah ka geysteen tuulada Qudus.

Wuxuu sheegay in cabasho ay kasoo gaartay odayaasha deegaanka ayna baarayaan sababta ay ciidamo ka baxay garoonka diyaaradaha Kismaayo ay dad shacab ah ugu xasuuqeen deegaanka Qudus.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo ay la socdaan ciidamo American ah kuwa Danab waxay dhowr qof kasoo qafaaleen galbeedka Kismaayo iyagoona gowrac ku dilay Nin dhakhtar caan ka ahaa deegaanka Qudus.

Lama oga waxa ay noqon doonto baarista uu sameynayo maamulka 'Jubbaland' oo ku aaddan xasuuqii ay ciidamadoodu ugeysteen dadka shacabka ah.

Related Items