Kenya oo Booliska Itoobiya ku wareejisay Eedaysanayaal Shiinays ah.

Sunday July 03, 2022 - 12:24:20
MeMO Staff
Booliska Kenya ayaa afar qof oo Shiinees ah oo looga shakisan yahay dil waxay ku wareejiyeen booliiska Itoobiya.
Saraakiisha Booliska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in ay Kenya kala wareegeen Afar qof oo indhayar ah kuwaas oo looga shakisan yahay in ay dil geysteen waxaana lagusii wareejiyay waxa loogu yeero booliska adduunka ee Interpol.

Sida ay booliisku sheegeen tuhmanayaasha ayaa u baxsaday dalka Kenya kaddib markii la sheegay in la dilay nin lagu magacaabo Fu Hui dilkaa oo ka dhacay maqaayad Chinese ah oo ku taalla dabaqa 5-aad ee dhismaha Tolosa Legesee oo ku yaalla xaafadda Meskel Flower ee caasimadda Addis Ababa.

Agaasimaha guud ee booliska Federaalka ee Interpol, Tsegaye Haile ayaa sheegay in afarta eedaysane oo kala ah Huang Zhipeng, Liv Jie, Wang Ming iyo Chao Fu Xiuzaong la qabtay kadib markii la isku duba riday xog is waydaarsi dhex martay booliska Itoobiya iyo Kenya, 24 saac kadib waxaa suuragalay fulinta qabashada raggan laga shakisanaa.

Waxaa lagu wareejiyay booliska Itoobiya 01-dii Luulyo waxaana socda baaritaannada ay wadaan Booliska Itoobiya sida uu sheegay Tsegaye.

Ammaanka dalka Itoobiya ayaa sanadadii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay tan iyo markii ay qaraxday colaadda gobolka Tigray ee sababtay in wadankan uu dagaal sokeeye ka dhaco.

Related Items