Xildhibaan katirsan maamulka 'Somaliland' oo Aflagaadeeyay diinta Islaamka.

Monday July 04, 2022 - 08:41:45
MeMO Staff
Diinta suuban ee islaamka ah oo loogafo ayaa ah gaalnimo cad oo soohdinta islaamka looga baxo .
Waxaa si cad oo bareer ah diinta ugu gafay nin lagu magcaabo C/qaadir Indha Indho kaas oo ah xildhibaan ka tirsan golaha guurtiga maamulka isku magacaabay Soomaaliland .

Hadalkan gafka ah ee meel ku dhaca ku ah diinteena xaniifka ah ayaa yimid ka gadaal markii laweydiiyay wareysi xilli ay kasoo bexeen shir looga wada hadlayey arimo ku aadan siyaasadda.

Waxaa sanadahaan danbe soo xoogeysanayay u gafista nabigeena Suuban ee صلي الله عليه وسلم iyo diinta islaamka oo ay geyesanayaan madaxda maamullada shisheeyuhu dhisay.

Wariyaha soo gudbiyay muuqaalka xildhibaan Indho Indho ayaa sheegay in uu warqad dacwad ah oo ka dhan ah ninka diinka ugefay uu ugudbiyay maxkamadda magaalada Hargeysa oo caan ku ah in kuwa diinta caaya ay ku xukunto 6 bilood oo xarig ah.

Related Items