Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday magaalada Copenhagen.

Monday July 04, 2022 - 10:56:28
MeMO Staff
Mudooyinkaan dambe waxaa si xowli ah dalalka dhaca qaaradaha Yurub iyo Ameerika ugu dhacaya falal toogasho wadareedyo ah kuwaas oo inta badan ay ku hoobtaan dadka rayadka ah.
Wararka laga helayo caasimadda wadanka Denmark ee Copenhagen ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday xarun laga dukaameysto lagu dilay dad qiyaastii gaaraya ilaa 3ruux halka lagu dhaawacay 3 kale .

Booliska dalka ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dadkii ku sugnaa xaruntan ganacsi balse ay ciidamadu gacanta ku dhigeen shaqsigii falka ka dambeeyay.

Ninka la tuhunsan yahay ee hubaysan oo xabsiga ku jira, ayaa lagu sheegay inuu yahay 22 jir Danish ah oo lagu xiray agagaarka suuqa Fields ayuu yiri kormeeraha Booliska Soren Thomassen, madaxa qaybta hawlgallada Booliska Copenhagen.

"Waxaa jira dhowr qof oo dhaawacmay waxaan sidoo kale ognahay hadda in ay jiraan dhowr qof oo dhintay,” sidaas waxaa shir jaraa'id ku sheegay Thomassen isagoo raaciyay in ujeeddada falka in uu la xiriiro argagixiso aan meesha laga saari karin.”

Heerka toogashooyinka ka dhaca dalka Denmark ayaa noqday kuwa sii sara kacay tan iyo sanadii 2011 ,taa oo ay wax ka qaban wayday dowlada Denmark.

Dhacdadaan walaaca ku abuurtay dowladan iyo shacabkeeda ayaa imaaneysa kadib toogasho ka dhacday Copenhagen 2015, markaas oo nin hubaysan uu weeraray goob uu ka socday sawir gacmeedka Lars Vilks isagoo dilay hal nin saddex kalena dhaawacay.

Related Items