Safarka Xasan Gurguurte ee Turkiga oo faah faahin laga bixiyay.

Monday July 04, 2022 - 12:12:37
MeMO Staff
Laba isbuuc kadib markii uu ku dhawaaqay in laga helay cudurka Corona Virus ayuu madaxweyne Xasan Sheekh safar ugu amba baxay dalka dibaddiisa.
Wafdi uu hoggaaminayay Xasan Gurguurte ayaa booqasho ku gaaray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia socdaalka madaxweynaha DF-ka ayaa salka ku haya martiqaad uu ka helay madaxweynaha Turkiga Erdogaan.

Sawirro lagasoo qaaday wafdiga Xasan Sheekh ayaa muujinayay isagoo aan xirnayn maaskada looga gaashaanto Covid19 arrinkaas oo dad badan ay ufasirteen in uu ka bogsooday caabuqa safrmarka ee Corona Virus.

Waa safarkii 2aad oo uu Xasan Gurguurte ku aado dalka dibaddiisa tan iyo markii madaxweynaha DF-ka loo doortay bishi May ee lasoo dhaafay.

Related Items