Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday magaalada Chicago.

Tuesday July 05, 2022 - 11:00:58
MeMO Staff
Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku dhimatay labaatan kalana way dhaawacmeen kadib markii nin ku hubaysnaa qori uu rasaas ku furay dad isugu soo baxay dabbaaldegga afartii Luuliyo magaalada Chicago ee dalka Maraykanka.
Booliska ayaa wali baadigoobaya nin hubaysan oo rasaasta kasoo ridayay saqafka sare guri ku yiil goobta ay dadku ku xafaladeynayeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhacdadan ka dhacday xaafadda Highland Park ayaa si lama filaan ah u joogsatay wax yar kadib  markii dhowr xabadood la maqlay.

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay in ay guryahooda joogaan oo ay la xiriiraan eheladooda si ay u hubiyaan in ay nabad qabaan.

"Waxaan si adag u raadineynaa shaqsiga mas’uulka ka ah toogashadan" ayuu yiri  afhayeenka ciidamada dambiyada waaweyn ee degmada Lake, Christopher Covelli ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Tobanaan kun oo ruux ayaa sanad walba toogasho ugu dhinta gudaha dalka Mareykanka sida ay sheegayaan tirakoobyadii ugu dambeeyay, arrintan ayaa imaanaysa xilli golayaasha baarlamaanka Mareykanka ay dadaal ugu jiraan sidii ay usoo saari lahaayeen xeerar xadaynta hubka gacanta shacabka kujira.

Related Items