Shirka dowladaha IGAD oo ka furmay magaalad Nairobi.

Tuesday July 05, 2022 - 12:29:50
MeMO Staff
sawir hore shir ay yeesheen madaxda IGAD
sawir hore shir ay yeesheen madaxda IGAD
Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa ka furmay shir madaxeedkii sanadlaha ahaa ee urur goboleedka IGAD.
Shirkan oo ay ka qeyb gelayaan qaar kamid ah madaxweynayaasha dowladaha dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadda, ammaanka iyo abaaraha.

Uhuru Kenyatta oo shirkan martigelinaya ayaa sheegaya in kulanka 39aad ee IGAD lagu gorfeyn doono mashaakilaadka ka jira bariga Afrika.

Xasan Gurguurte madaxweynaha dowladda Federaalka ayaan sanadkan ka qeyb gelayn shirka IGAD wuxuuna socdaal ku joogaa wadanka Turkiga balse waxay dowladda Federaalka Nairobi udiray Mahdi guuleed oo ah R/wasaare ku xigeen

Related Items