Dab xooggan oo kusii fidaya dhulka Keymaha gobolka Sanaag.

Tuesday July 05, 2022 - 12:41:26
MeMO Staff
Boqolaal xayawaanno duurjoog ah ayaa ku bakhtiyay dab xooggan oo ka kacay deegaanno katirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya deegaanka Gaacidh ee dhaca waqooyiga magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in uu dab ka kacay dhulka keymaha arrinkaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Dabka oo kusii fidaya dhul dhan 20Km ayaa laga cabsi qabaa in uu baabi'iyo keymaha Gaacidh iyo Xerimooleey oo ah dhul ku wanaagsan daaqsinka iyo dalxiiska.

Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku dayeen bakhtiijinta dabka balse ay kari waayeen wuxuu ugu baaqay shacabka gobolka ku dhaqan in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dabka ka kacaya dhulka keymaha ah.

Kenya Gaacidh ayaa kamid ah deegaannada ugu dhirta badan dalka Soomaaliya waxaana laga cabsi qabaa in dabkan uu saameyn xun oo bay'ada ah reebo.

Waxaa diyaariyay Wadaadyare Xaashi

Related Items