Sirdoonka Yahuudda oo dhageystay Taleefannada ay iskula hadlaan Saraakiisha saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Tuesday July 05, 2022 - 12:53:06
MeMO Staff
sawir hore ciidamo Turki ah oo Muqdisho ku sugan.
sawir hore ciidamo Turki ah oo Muqdisho ku sugan.
Warbixin cusub oo soo baxday ayaa daaha ka rogaysa sida Soomaaliya ay unoqotay dal ay ku loollamaan sirdoonnada quwadaha caalamiga ah.
Sirdoonka Yahuudda ee loo yaqaan Mossad ayaa la sheegay in uu jaajuusay saldhigga melleteriga Turkiga ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Barnaamij dukuminteri ah oo uu baahiyay Telefeshinka Al Jazeera ayaa lagu sheegay in sirdoonka Yahuudda uu dhageystay taleefannada ay iskula hadlaan saraakiisha Turkiga ee ku sugan caasimadda Soomaaliya.

Sida warbixintu ay sheegayso saraakiil katirsan sirdoonka Masar oo ku sugan Soomaaliya ayaa Mossadka Yahuudda ufududeeyay in uu dhageysto taleefannada Jeneraallada Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sanaddii 2017 saldhigga weyn ee ay ku leedahay qaaradda Afrika ka furatay magaalada Muqdisho wuxuuna saldhiggan soo jiitay indhaha sirdoonnada caalamka kuwaas oo isku garbinaya Soomaaliya sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen dalkan istiraatiijiga ah ee beyllaha unoqday cadowgiisa.

Inkastoo Yahuudda iyo Turkiga ay leeyihiin cilaaqaad wanaagsan hadane Masar oo udub dhaxaad u ah dowladaha bariga dhexe ayaa isku dayaysa in ay xog waafi ah ka hesho awoodda Turkiga ee Soomaaliya.

Related Items