Abiy Axmed iyo Alburhaan oo ka shiray colaadda ka taagan Alfashaga.

Tuesday July 05, 2022 - 16:56:57
MeMO Staff
Waqti xiisado colaadeed oo aad udaran lagasoo sheegayo xuduudda ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Suudaan ayay kulankii ugu horreeyay yeesheen hoggaamiyaasha labada dal.
Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya iyo cabdifataax Alburhaan oo ah Jeneraalka maamula Suudan ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.

Abiy oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ay islagarteen in xiriirka udhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya uu ka weynyahay coladdii dhacday isbuucii lasoo dhaafay.

Khurduum iyo Addis Ababa ayaa muujiyay in ay diyaar uyihiin wadahadal iyo in xiisadda laqaboojiyo, melleteriga Suudaan ayaa isbuucii lasoo dhaafay buudka kula tuntay ciidamo amxaara ah oo ku sugnaa xuduudda mandiqadda alfashaqah

Related Items