Dabkii ka kacay kaymaha gobolka Sanaag oo la hakiyey.

Wednesday July 06, 2022 - 09:39:33
MeMO Staff
Dab xooggan ayaa maalmihii u dambeeyay ka kacey deegaanka Gaacidh ee gobolka Sanaag kaas oo khasaare weyn u geystay dhirtii iyo duurjoogtii deegaankaas. Wararka ka imanaya deegaankaas ayaa sheegaya in la hakiyey dabkaas.
Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee ‘Somaliland’ Maxamuud Warsame ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in la hakiyo dabkaas si aanu meelo cusub ugu fidin waxa se uu intaas ku darey in ay jiri karaan meelo kale oo uu ka sii hulaaqmayo dabkaasi.

Masiibooyinka dabiiciga ah ee uu dabku ka mid yahay ayaa dhawaanahan aad ugu soo badanaya bulshada Soomaalida iyada oo ay hore u gubteen suuqyo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Suuqii Waaheen ee Hargeysa, suuqii Banaadir ee Muqdisho, suuqii Jabbuuti oo isna shufbeelay badhtamihii bishii April ee ina dhaaftey. Waxa sidoo kale isna gubtey suuqii la odhan jirey Suuq Mugdi ee ku yaallay magaalada Gaarisa bishii Juun ee ina dhaaftey.

Dhammaan gubashooyinkaas haleelay suuqyadaas ayaan si rasmi ah loo sheegin wixii sababay; manajirto illaa hadda cid baadhis ku samaysay.

Related Items