Muuse Biixi oo sii daayay xubno ka tirsan mucaaridka.

Wednesday July 06, 2022 - 09:48:23
MeMO Staff
Madaxweynaha maamulka 'Somaliland' Muuse Biixi ayaa sii daayey xubno ka tirsanaa mucaaridka maamulkaas oo hore xabsiyada loogu taxaabey ka dib markii ay bannaan bax dhigeen bishii ina dhaaftey. Xubnaha la sii daayey ayaa qaarkood xilal ka soo qabteen xukuumadihii hore ee soo marey maamulka.
Cabdillaahi Cukuse oo xubin firfircoon ka ah Xisbiga Waddani isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtey ‘Somaliland’, Guddoomiye Ku Xigeenka Waddani Axmed-Xamarje iyo Xoghayaha Warfaafinta Ucid Yuusuf Keyse ayaa kamid ahaa xubnaha la sii daayey.

Guddi dhex-dhexaadineed oo iskood isu xilqaamey ayaa ka qayb qaatey soo daynta masuuliyiintan ka tirsan mucaaridka.

"Annagu maannaan ahayn dambiileyaal laakiin waxaanu ahayn lahaysteyaal kuwa na soo furtayna way ku mahadsan yihiin” ayuu yidhi Cukuse.

2 Julaay, 2022 oo ahayd saddex cisho ka hor ayaa sidoo kale xabsiga laga sii daayey Weriye Maxamed Cabdi Ilig iyo Cabdijibbaar Maxamed ka tirsan saxaafadda Somaliland, waxa se weli xidhan Saxafi Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon oo loo haysto eedo la xidhiidha Abaarso Schools oo ah shebekad waxbarasho shisheeye.

Related Items