Askar Masaari ah oo ku dhintay qarax ka dhacay waqooyiga Maali.

2278
MeMO Staff
Jihaadiyiinta ka halgamaya galbeedka Afrika ayaa markale dilay ciidamo ka socda waxa loogu yeero howlgalka Q.Midoobay.
Laba askari oo kasoo jeeda dalka Masar kana tirsan kuwa loo yaqaan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Mali ayaa dhintay 5 kalena dhaawacyo halis ah ayaa ka soo gaaray kadib qarax miino oo ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

"Subaxnimadii Talaadada qarax miino ayaa ku qaraxday gaari gaashaaman oo ka mid ahaa kolonyada saadka ee MINUSMA oo marayey wadada Tessalit-Gao," ayaa lagu yiri war kasoo baxay golaha ammaanka.

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in "ciidan faragelin degdeg ah loo diray goobta dhaawacyadiina laga daad gureeyay".

Qoraalka 'golaha Ammaanka' ayaa sidoo kale ugu baaqay xukuumadda Bamako in ay ku wargeliyaan Qaahira halka uu marayo baaritaanka ku saabsan askarta Masaarida ah ee dhimatay.

Xoogagga jihaadiga JNIM ee ku xiran Al Qaacidda ayaa latuhunsanyahay in ay mas'uul ka yihiin weerarkan lagu beegsaday askarta Q.Midoobay ee ku sugan Maali.
Ciidamada ka socda dowladaha Masar iyo Urdun ayaa bilihii lasoo dhaafay ku badnaa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee gaaraya soo duulayaasha ku sugan waqooyiga iyo bartamaha dalka Maali.

MINUSMA waa ciidan gaaraya 13,000 oo askari oo la abuuray 2013 si ay u taageeraan duullaankii gardarrada aha ee dowladda Faransiiska ay ku qaadday Muslimiinta Maali.

Related Items