Madaxweynihii Sri Lanka oo la sheegay in uu kusii jeedo Sacuudiga.

Thursday July 14, 2022 - 17:12:17
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta caalamiga ah ayaa tabinaysa in madaxweynihii la eryay ee dalka Sri Lanka uu udhoofay wadanka Sacuudiga halkaas oo uu magengelyo siyaasadeed ka helay.
Diyaarad uu la socday Gotabaya Rajapaksa ayaa ka duushay wadanka Singabur waxayna aadday dhanka magaalada Riyaadh halkaas oo uu ku noolaan doono.

Shacab caraysan ayaa isbuucan gudihiisa xoog ku galay qasriga madaxtooyada looga arrimiyo dalka Sri Lanka iyagoona eryay madaxweynihii iyo R/wasaarihii dowladda oo ku kacay musuq maasuq iyo xatooyada hanti dadweyne.

Dowladda Sacuudiga ayaa caan ku ah soo dhoweynta hoggaamiyaasha kaligood taliyayaasha ee dalalkooda lagasoo eryay waxaana kamid ah madaxweynayaashii Tuunis,Uganda iyo kuwa kale oo ay marti gelisay

Related Items