Al-Shabaab oo la wareegay magaalooyin ku yaalla xadbeenaadka Itoobiya.

Wednesday July 20, 2022 - 18:26:51
Liibaan Jeexoow
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa galabta weerar culus ku qaaday magaalooyinka Aato iyo Yeed ee gobolka Bakool.
Magaalooyinkaan oo ku teedsan xadbeenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gacanta ugu jira maleeshiyaatka loo yaqaano Lyuu Police-ka ee hoostaga dowladda Itoobiya.

Weeraro culus oo is barbar socday ayaa mar qura ka wada bilowday labada magaalo kuwaas oo ay qaadeen dagaalyahano katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dadka deegaanka ayaa SOMALIMEMO u xaqiijiyey in maanta salaaddii casir kadib ay magaalOoyinkan marti geliyeen weerar ay ku tilmaameen kii ugu culsaa ee abid soo mara magaalooyinkan, waxayna sheegeen in dagaal xoogGan kadib ay magaaloyinku gacanta u galeen ciidamadii weerarka soo qaaday ee Al-Shaaab.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada militaryga ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay idaacadda islaamiga Andalus ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen magaalooyinka Yeed iyo Aato ee wilaayada Bakool kadib dagaal culus oo ay la galeen maleeshiyaat uu ku tilmaamay xabashi kalkaal.

Abuu Muscab ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen askar ka tirsan maleeshiyaatka Lyuu Police ayna ku qabsadeen hub iyo saanad ciidan.

Yeed iyo Aato ayaa ah magaalooyin Istaraatiiji ah waxaana sanado badan gacanta ku hayey maleeshiyaatka hoostaga xabashida ee loo yaqaano lyuu Police.

Related Items